Month: February 2020

DAAWO:- Somaliya Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa U Jeedisay Kenya  Soona Bandhigtay Talaabada Ay Qaadayso

DAAWO:- Somaliya Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa U Jeedisay Kenya Soona Bandhigtay Talaabada Ay Qaadayso

Feb 29, 2020 Newyork (Cadceed) – Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan ayaa shaaciyey tallaabada ay qaadeyso dowladdiisa ee ka dhanka ah Kenya, oo uu ku eedeeyey inay xasilooni darro xooggan ka wadda gudaha Soomaaliya. Khubdad uu u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM, ayaa Abuukar Baale waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay Kenya u adeegsato Qodobka 35 ee Xeerka QM, taasi oo macnaheedu yahay dacwad rasmi oo caalami ah oo ka dhan ah Kenya. Qodobka 35 ee Xeerka QM ayaa dalalka xubnaha ka ah QM iyo kuwa aan ka ahaynba siinaya awood ay Golaha Ammaanka ee QM ku horkeenaan xaalad kasta oo loo arko inay helis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Danjire Abnuukar Baale ayaa sheegay in Soomaaliya “ay adeegsatay tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed”, oo ay kula hadleyso Kenya, balse laga quustay. Danjiraha ayaa Kenya ku eedeeyey inay faro-gelin xooggan ku hayso…

Continue Reading
Hogaamiyaha Ahlu Sunna Oo Xaqiijiyey Inay Dawlada Somaliya Isku Dhiibeen

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Oo Xaqiijiyey Inay Dawlada Somaliya Isku Dhiibeen

Feb 29, 2020 Dhuusamareeb (Cadceed) – Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Shaakir Cali Xassan oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Amniga guud ahaan deegaannada Galmudug ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya. Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa imanaya kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay xoog kula wareegeen xaruntii ay ka deggenaayeen degmada Dhuusa-Mareeb ee Inji oo dagaal culus maalintii shalay uu ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsanaa ururka Ahlu Sunna Waljameeca, Shirkiisa Jaraa’id ayuu ku sheegay in markii ay arkeen xaalada Galmudug guud ahaan garteen in ay u tanaasulaan sida uu hadalka u dhigay bulshada reer Galmudug, isaga oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo wixii hadda ka danbeeya in ay sugto nabad-galyada guud ahaan deegaannada Galmudug. Warar subaxnimadii hore ee saakay soo baxay ayaa sheegaya in guud ahaan madaxdii Ahlu Sunna iyo saraakiishoodii isku dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo hadda sugaya…

Continue Reading
Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Reer Cumar Madoobe Oo Hooyadood Ku Geeriyootay Magaalada Boorama.

Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Reer Cumar Madoobe Oo Hooyadood Ku Geeriyootay Magaalada Boorama.

Inaa likaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Geeridu waa waana dariiq lawada maraayo. Anigoo ah Mustafe Cabdi Xaaji kuna hadlaya magaca Dhamaan ilma Cabdi Xaaji Meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxaanu tacsi tiiraanyo leh halkan uga diraynaa dhamaan reer Cali Madoobe oo ay hooyadood Kaaha Cumar Xareed maalintii shalay lagu aasay magaalada Boorama. Waxaan Eebe Uga Baryaynaa inuu marxuumada naxriistiisa jano ka waraabiyo, caruurtii, qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxdayna gaar ahaan saaxiibkay Rashiid Cumar Madoobe

Continue Reading
More Posts