Day: February 2, 2020

DAAWO:-Madaxwayne Farmaajo Oo Fariin Hambalyo Ah U Diray Madaxwayne Cusub Ee Galmudug Ee Maanta La Doortay

DAAWO:-Madaxwayne Farmaajo Oo Fariin Hambalyo Ah U Diray Madaxwayne Cusub Ee Galmudug Ee Maanta La Doortay

Feb 2, 2020 Hargaysa (Cadceed)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay,…

Continue Reading
R/wasaare Khayre oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug, bogaadiyayna doorashadii maanta dhacday

R/wasaare Khayre oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug, bogaadiyayna doorashadii maanta dhacday

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah […] The post R/wasaare Khayre oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug, bogaadiyayna doorashadii maanta dhacday appeared first on Cala

Continue Reading
Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinima maamul goboleedka Galmudug ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb. Doorashadan oo uu muran badan hareeyay, isla markaana ay qaaddaceen inta badan musharraxiintii ka qeybgalaysay, ayuu Qoor Qoor kaga guuleystay afar musharrax oo la tartantay, isaga oo helay codad dhan 66 cod. Axmed Qoor Qoor ayaa […] The post Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Calanka.co

Continue Reading
Sheekh Shaakir Oo Digniin Ka Soo Saaray Doorashada Maanta Ka Dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb

Sheekh Shaakir Oo Digniin Ka Soo Saaray Doorashada Maanta Ka Dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug,sidoo kale garabka Ahlusunna ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu soo saarey qoraal looga digayo qabsoomida doorashada Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in arrimihii masiiriga ahaa ee Galmudug ay mugdi sii galayaan,isla markaana dad dano gaar ah leh ay qalalaaso ka wadaand deegaannada Galmudug. Qoraalka Sheekh Shaakir oo loo direy Beesa Caalamka ayaa waxaa lagu ogeeysiiyey in hadii doorasho Maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb dhibaatada ka dhalata ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Continue Reading
Deg Deg :- Madaxwayne Cusub Oo Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

Deg Deg :- Madaxwayne Cusub Oo Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

Feb 2, 2020 Hargaysa (Cadceed) –Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Goordhow waxa ka dhacday doorashada Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,taas oo ay ku tartameen ilaa Afar Musharax. Kulanka doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 77 Xildhibaan oo ay kamid yihiin qaar kamid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Galmudug ku metelayey hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca,waxaana Wareega 1aad ee doorashada Madaxweynaha Galmudug lagu doortey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen 1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod 2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod 3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod 4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Dhinaca kale waxaa usid mudan in doorashada Maanta ka dhacey Magaalada dhuusamareeb ay diideen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf,Afar Musharax oo…

Continue Reading
Ruuxii ugu horreeyay ee cudurka ka dillaacay Shiinaha ugu dhintay meel ka baxsan dalkaasi

Ruuxii ugu horreeyay ee cudurka ka dillaacay Shiinaha ugu dhintay meel ka baxsan dalkaasi

Nin ayaa waxa uu cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Philippines, kaas oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyo ee ka dhaca meel ka baxsan waddanka Shiinaha. Bukaanka oo 44 jir Shiinees ah ahaa ayaa waxa uu ka tagay magaalada Wuhan, ee gobolka Hubei, ee caabuqan uu ka soo bilowday. Waxa uu u muuqanayay […] The post Ruuxii ugu horreeyay ee cudurka ka dillaacay Shiinaha ugu dhintay meel ka baxsan dalkaasi appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
YEMEN: Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan al-Qaacida

YEMEN: Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan al-Qaacida

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitterka shaaca uga qaaday in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen xubno ka tirsan al-Qaacida ee dalkaasi Yemen. Duqeyntan ayaa dhacday 25-kii bishan Janaayo, waxaana ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Wadi Ubaidah ee gobolkaasi Maarib. Hoggaamiye lagu magacaabo Qassim al-Rimi islamarkaana ka mid ah aas-aasayaasha al-qaacidada Yemen ayaa weerarkaasi […] The post YEMEN: Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan al-Qaacida appeared first on Calanka.c

Continue Reading
Doorashada madaxweynaha Galmudug oo maanta dhaceysa iyo ahlu-Sunna oo dagaal ka digtay

Doorashada madaxweynaha Galmudug oo maanta dhaceysa iyo ahlu-Sunna oo dagaal ka digtay

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ahlusunnah oo uu ku saxiixan yahay Sheekh Shaakir oo ku qoran luuqadda Ingariiska ayaa waxaa uu ku sheegay in xilli kasta la filan karo dagaan maadaama dowladda ay isku […] The post Doorashada madaxweynaha Galmudug oo maanta dhaceysa iyo ahlu-Sunna oo dagaal ka digtay appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading