Day: February 9, 2020

Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaaraha Canada Kula Kulmay Addis Ababa + Waxa Ay Kawada Hadleen  ( SAWIRRO )

Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaaraha Canada Kula Kulmay Addis Ababa + Waxa Ay Kawada Hadleen ( SAWIRRO )

Feb 9, 2020 Addis Ababa (Cadceed) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir gaara kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau. Labadan masuul ayaa Waxa ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal, waxaana uga mahadcelinaynaa fursadaha nololeed iyo waxbarasho ee ay la garab istaageen markii ay dalkaas tageen. Cadceednews Desk

Continue Reading
Madaxweyne Biixi  Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweyay Magalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya ( SAWIRRO )

Madaxweyne Biixi Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweyay Magalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya ( SAWIRRO )

Feb 9, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo si balaadhan loogu Soo dhaweeyey dalka Itoobiya. Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha. Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in Ujeedada safarka safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay, waxaanu yidhi afhayeenku “waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”. Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u…

Continue Reading
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliya..

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliya..

Feb 9, 2020 Boorama (Cadceed) –Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu Maanta kula kulmey Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb James Swan . Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo qodobo kale. “Kulan aan la qaatay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaan kaga wada hadalnay arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Gal

Continue Reading
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay kalluumeysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ee ka jalaabta badda Soomaaliya. Barnaamijka ayaa waxaa ka qeybgalaya oo su’aalaha dhagaystayaasha qaar ee VOA ka jawaabaya Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Cabdullaa

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading