Day: February 10, 2020

Maxaa Somaliland Fursad Ugu Jira Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tagay Addis Ababa ?

Maxaa Somaliland Fursad Ugu Jira Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tagay Addis Ababa ?

Inta aanan u gudbin ujeedada qoraalkayga waxa aan xasuusinayaa akhristayaasha taariikhda Somaliland iyo Somalia oo dul ka xaadis ah “ Somaliland waxa ay ahayd 28 sanadood qaran dawladnimadii uu kala bahoobay Italian Somalia , 1 July 1960 kii ee ay ku midoobeen Jamhuriyadii Somalia in ay u raadiso in aduunyadu aqoonsato la soo noqoshada madax banaanideeda qaranimo. Haddaba waxa mudadaa dheer xukuumadihii kala dambeeyey dedaal ugu jireen in ay aduunku Somaliland u aqoonsado qaran ka mid ah qaramada aduunka , iyada oo asbaabaha ay Somaliland ku doodeyso ay yihiin qaar wada xoogan isla markaana ay buuxisay shuruudihii dawladnimo oo dhan. Waxa hawshan Somaliland waday caqabad ku ahaa mudadaa dheer in cidii ay la bahowday aanay dawladnimo iyo kala dambayn midna haysan si loo wada hadlo , waxaana aduunku tacab badan galiyey in Somalia la nabadeeyo dawladana loo dhiso , inkasta oo aanay ilaa maanta ka dhisnayn dawlad la odhan karo…

Continue Reading
DAAWO:-Siyaasiyiinta Gobolka Mandheera Oo Ugu Baaqay Dawlada Kenya Inay Dalkeeda Ka Saarto Wasiirka Amniga Ee Jubbaland C/rashiid  Janan Iyo Ciidamadiisa

DAAWO:-Siyaasiyiinta Gobolka Mandheera Oo Ugu Baaqay Dawlada Kenya Inay Dalkeeda Ka Saarto Wasiirka Amniga Ee Jubbaland C/rashiid Janan Iyo Ciidamadiisa

Feb 10, 2020 Mandheera (Cadceed) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Mandhera, xildhibaanada iyo senatarada Baarlamanka Kenya ee laga soo doorto magaaladaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada ka taagan halkaasi. Ugu horreyn mas’uuliyiintaan ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa ay ka saarto hoteello ay sheegeen inay ka dagan yihiin magaalada Mandhera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale sanatarada iyo xildhibaanada deegaanka ka soo jeeda ayaa ku eedeeyey wasiir Janan iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland inay qal qal amni ka wadaan magaalada, islamarkaana ay la soo galaan hub iyo ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Dhankiisa gudoomiyaha ismaamulka Mandhera, Cali Roba ayaa sheegay in mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Jubbaland ay degmadiisa soo galeen markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Cali Roba ayaa sidoo kale…

Continue Reading
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kula Kala Duwan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madax Africa

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kula Kala Duwan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madax Africa

Feb 10, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa Magaalada Addis Abab waxaa uu ku qaabiley qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galeys shirka madaxda midowga Afrika ee 33aad ee ka socda dalkaas. Madaxda uu la kulmey ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha dalalka,,marooko,koonfurta Suudaan,aljeeriya iyo Gini,iyaga oo ka wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa ilaaqaadka kala dhexeeya itoobiya. Dr Abiy Axmad ayaa sigaar ah waxaa uu dalka aljeeriya uga mahad celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen ee heshiisiinta eritrea iyo ethiopia oo muddoo ka badan 20 Sano uu dagaal dhex marayay. Madaxda uu la kulmey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa ay sheegeen inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya,isla markaana kaalin weyn ay ka qaadan doonaan nabadeynta Gobolka.

Continue Reading
Dimoqraadiga oo ku loolama gobolka New Hampshire

Dimoqraadiga oo ku loolama gobolka New Hampshire

Duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg ayaa ka qeybgali doona codbixinta ugu horreysay ee toos ah ee talaadada berri ah ka dhacaysa gobolka New Hampshire, isaga oo ah ninka haysta ergooyinka ugu badan. Xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Iowa ayaa shaaciyey natiijada codbixintii ergooyinka gobolkaasi ee la qabtay Isniintii hore taasi oo ay hareysay jahawareer ka dib markii cilad farsamo ay soo wajahday.  Buttigieg ayaa lagu dhawaaqay inuu helay 14 ka mid ah 41 ergo ee gobolkaasi Iowa, waxaana ku xigay Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders oo helay 12 ergo, 8 ergo ayaa waxaa qaatay Senatoradda gobolka Massachusetts Elizabeth Warren halka Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden uu helay 6 ergo, ayada oo Senatorada Minnesota Amy Klobuchar ay heshay hal ergay. Ma jirin musharrax kale oo gobolka Iowa ka helay wax ergo ah. Musharraxa soo baxaya ayaa u baahan inuu helo 1,990 ergo si ay ugu guuleysto…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading