Day: February 11, 2020

Madaxyane Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi  Oo Kullan Gaara Ku Yeeshay Addis Ababa

Madaxyane Farmaajo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kullan Gaara Ku Yeeshay Addis Ababa

Feb 11, 2020 Addis Ababa ( Cadceed )- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay kulan siisay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi. Labadda Madaxweyne iyo xubno ka socda labadda dhinac ayaa kulanka ku sugan, waxaana lagu sheegay in kulankaan uu yahay is aragti sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya. Waa Markii ugu horreysay oo ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi tan iyo markii la doortay. Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr jeer yeeshay kulamo kala duwan oo kala dhacay London iyo Turkiga yeeshay. Cadceednews Hargeysa

Continue Reading
Tirada Dadka U Dhintay Coronavirus Oo Kor U Dhaaftay 1000 Qof

Tirada Dadka U Dhintay Coronavirus Oo Kor U Dhaaftay 1000 Qof

Feb 11, 2020 China (Cadceed) –Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaarsiiyey dhaqaalaha dalka. Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sanadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan. Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday inaysan jiri doonin shaqo ka eryid badan. Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February. “Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yiri Zhong. Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada…

Continue Reading
Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa, Maxayse Ka Wada Hadleen ?

Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa, Maxayse Ka Wada Hadleen ?

Feb 11, 2020 Hargeysa (Cadceed)  – Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay. Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka.       Cadceednew Hargeysa

Continue Reading
DAAWO:-Aabaha Dhalay Caasho Oo  Ka Hadlay Sababta Dilka Looga Reebay Mid Kamida Ragii Gabadhiisa Loo Xukamay

DAAWO:-Aabaha Dhalay Caasho Oo Ka Hadlay Sababta Dilka Looga Reebay Mid Kamida Ragii Gabadhiisa Loo Xukamay

Feb 11, 2020 Garoowe (Cadceed) – Aabaha dhalay marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa soo dhoweeyay in gabadhiisu cadaalad heshay kadib markii saakay xukun dil ah lagu fuliyay labo kamid ah saddexdii nin ee kiiskaas loo xukumay. Ilyaas Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib loo dhigay fulinta xukunka xukumanaha saddexaad oo lagu magacaabo Cadbisalaan Cabdiraxmaan Warsame, kadib markii ay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Wuxuu sheegay Ilyaas in xukunka la fuliyay uu dawo u noqondoono gabar kasta oo Soomaliyeed inaan lagula kicin falka gabadhiisa loo geystay. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukumanaha dib loo dhigay fulinta xukunkiisa waxay wararku sheegayaan in aan caddeymo rasmi ah loo helin in uu ka qeyb qaatay fal dambiyeedkaas. Dhamaan maxkamadihii uu kasoo muuqday marnaba ma uusan qiran inuu kiiskaas ku lug lahaa, halka labada kale ay qiranayeen inay gabadha kufsadeen, laakiin ay ku dafirayeen inay dileen…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading