Day: February 12, 2020

DAAWO:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kusoo Laabtay Hargaysa Kana Waramay Kulankii Farmaajo Ee Addis Ababa

DAAWO:- Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kusoo Laabtay Hargaysa Kana Waramay Kulankii Farmaajo Ee Addis Ababa

Feb 12, 2020 Hargeysa (Cadeed) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan dalka Itoobiya u joogay hawlaha shaqo ayaa galabta dib ugu soo laabtay Hargeysa. Waxaana soo noqoshada madaxweynaha iyo weftigiisa warbaahinta uga warbixiyey wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen halkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen madaxda qaarada Afrika, wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). “Shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, ilaahay mahadi ha ka gaadho waxa aanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay…

Continue Reading
Madaxtooyada Somaliya Oo War kasoo Saartay Kulankii Dhex-maray Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Madaxtooyada Somaliya Oo War kasoo Saartay Kulankii Dhex-maray Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Feb 12, 2020 Muqdisho ( Cadceed ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay kulankii shalay Magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed loogu mahadceliyay marti-gelinta shirkii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda. Dhinaca ke dowladda wax faah faahin ah kama bixin waxyaabaha looga hadlay kulanka labada Madaxweyne, kaasi oo qaatay dhowr daqiiqo. Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay kulankii shalay Magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somalia ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading