Day: February 15, 2020

Dowladda Sri Lanka Oo Lacag Badan Ku Bixinaysa Qorshaha Deyn Cafinta Soomaliya

Dowladda Sri Lanka Oo Lacag Badan Ku Bixinaysa Qorshaha Deyn Cafinta Soomaliya

Feb 15, 2020 Muqdisho (Cadceed)  – Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday in ay bixin doonto Rs. 163 milyan oo lacagta dalkaasi ah taasoo loogu talagalay xirmada maaliyadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka oo lagu oggolaaday deyn Cafinta Soomaaliya. Lacagtan ay ku yaboohday Sri Lanka ayaa biirin doonta qorshe maaliyadeed ee Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ansixisay bishii Diseembar 2019 inay ku caawin doonto ka bixinta deynta Soomaaliya. Qaabka culeyska miisaaniyadda ee Hay’adda Lacagta Adduunka waa siyaasad ay ansixisay Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) 1986 waxaana habkan loo qaatay inuu dib ugu soo celiyo khasaaraha dakhliga sababa la xiriira lacag la’aan xubnahu dartood sababo kala duwan awgood. Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan. Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay…

Continue Reading
Guulaha iyo gebidhaca siyaasadda Farmaajo 3-dii sano ee lasoo dhaafay ( Maqaal Xasaasi Ah )

Guulaha iyo gebidhaca siyaasadda Farmaajo 3-dii sano ee lasoo dhaafay ( Maqaal Xasaasi Ah )

Seddax sanadood ka hor bisha February 8, 2017 ayaa xildhibaanada Barlamaanka Federalka ku doorteen cod aqlabiyad leh madaxweynihii 9aad ee dalka Soomaaliya. Agaasimaha Machadka Daraasaadka ee Heritage Mudane Cabdirashiid Xaashii oo ka hadlayay doorashadaas ayaa ku sifeeyay in “Madaxweynaha cusub [Farmaajo] uu leeyahay shacbiyad aan ku saleysneyn qabiil amase musuqmaasuq” (Reuters 8/02/2017). Haddaba, maqaalkan wuxuu dhinacya kala duwan ka eegi doonaa guulaha iyo gebidhaca siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ee seddaxdii sanadood ee la soo dhaafay uu dalka ku hagayay, si loo fahmo dhanka uu u socdo dalka. Muran kama taagna, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’adaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta. Hase yeeshee doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxay u muuqatay inay wax ka beddeli doonto dhaqankaas. Balse waxaa war ka taagnaa, seebuu ula tacaali doonaa musuqmaasuqa, uga shaqeynsiin doonaa nidaamka federaalnimada oo ay dowladda dhexe hoggaamiso, una…

Continue Reading
Xisbiyada Mucaaridka Somaliya Oo War Kasoo Saaray Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Gobolka Gedo

Xisbiyada Mucaaridka Somaliya Oo War Kasoo Saaray Xiisada Dagaal Ee Ka Taagan Gobolka Gedo

Feb 15, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa  War- ka soo saartay colaada ka aloosan Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Belad-xaawo oo ay isaga soo horjeedaan ciidamo kala taabacsan maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka. Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dowlada federaalka ugu baaqay iney joojiso kala qeybinta ay ka wado gobolka Gedo iyo guud ahaan maamulka Jubbaland si looga fogaado colaado cusub sida warka loo dhigay.

Continue Reading
Mareykanka Oo Heshiis Xabad Joojin Ah La Gaadhay Kooxda Taliban

Mareykanka Oo Heshiis Xabad Joojin Ah La Gaadhay Kooxda Taliban

Feb 15, 2020 Washington (Cadceed) – Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaaray ururka Taliban, taasi oo waddada u xaareysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey heshiiskan toddobada maalin ah ee dhigaya in kooxda Taliban ay yareyso rabshadaha. Sarkaalka ayaa sheegay in heshiiskan oo dhawaan dhaqan-geli doona uu quseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay. Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo, waxaa ay wararku sheegayaan in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda nabadda Afghanistan. Mareykanka ayaa

Continue Reading
Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Barnaamijka Martida Mikrofoonka

Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Mikrofoonka oo uu todobaadkan marti ku yahay Cabdisalaam Yuusuf Guuleed oo soo noqday Taliye ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Barnaamijka oo aan ku eegi doonno dib u bilaabidda taageerada dhaqaale ee sida tooska ah uu Mareykanku u siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inoo diyaariyey halkanna ka s

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading