Day: February 18, 2020

Weriye iyo xubno kale oo Shabaab ah oo la xukumay

Weriye iyo xubno kale oo Shabaab ah oo la xukumay

Maxkamadda ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa min 10 sano oo xabsi ah ku xuukuntay laba nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Cabdulqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabdullaahi ayaa lagu soo eedeeyey inay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen tuullada Mareerey oo hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku ridday Xasan Luqmaan, oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey warbaahinta Al-Shabaab, lagana qabtay Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu

Continue Reading
Arday Soomaali ah oo weli ku xayiran Wuhan

Arday Soomaali ah oo weli ku xayiran Wuhan

Weli waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuunka Corona Virus oo faro-ba’an ku haya dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan. Ilaa haatan waxaa Shiinuhu ay sheegeen inay ku dhinteen ku dhowaad 1900 qof sida ay sheegeen hay’adaha warbaahinta, waxaana weli magaalada ku xayiran arday Soomaali ah. Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Wuhan kula xiriiray saddex arday oo kala ah Dr. Yaasiin Gaardo, Amiin Daahir iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdi. Waxaa kale oo walaaca ardayda ka jawaabi doona safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Kulane, oo isna la hadl

Continue Reading
Gabar kufsi iyo dil loogu gaystay gobolka Awdal

Gabar kufsi iyo dil loogu gaystay gobolka Awdal

Deegaan miyi ah oo ka tirsan degmada Lughaya oo ay ku nool yihiin dadka xoolo dhaqatada ah ayaa loogu gaystay kufsi iyo dil gabadh 18 sano jir ah, 16-kii bishan, sida ay sheegeen ciidamada booliiska. Booliisku waxay sheegeen in dilka iyo kufsiga loo gaystay marxuumad Shukri Yuusuf. Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka gaashaanle sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye ayaa u sheegay idaacada VOA in falkaasi kufsiga iyo dilka ah uu ka dhacay deegaanka Tuurka oo ka tirsan Lughaya ee Gobolka Awdal. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan

Continue Reading
Xamaray waa markiiniiye kaalaya Hargeysa

Xamaray waa markiiniiye kaalaya Hargeysa

Wakhtigii ay Jamhuuriyada Somaliland xoriyada ka qaadatay Boqortooyadii ingiriiska 26 juun 1960kii waa tii Jamhuuriyadii Somaliland oo curdin ah oo aan Todoba Cisho jirsan Xamar loola cararay ee Dal calankii isticmaarku ka taagan yahay calan xor ah dhuumashada loogu geeyey, dabadeed waatii 28ka sanadood Dulmiga, caddaalad daro iyo Dowlad aan lawada lahayn Somaliland iyo Soomaaliya ay kuwada joogeen iyaga oo ku guuldaraystay midnimadii SHANTA SOOMAALIYEED ama SOOMAALIWEYN, waatii xigtay 3 sanadood oo xasuuq qayaxan oo reer Somaliland loo gaystay, dabadeed waatii 18 may 1991dii Jamhuuriyadii Somaliland Dib loo Dhidbay, dabadeed mudo 29 sanadood ah markay Somaliland jamhuuriyad gooni u taagan ahaayd Dunidana ictiraaf kadoonaysa Mar qudhuun Xamaray kaalay Hargeysa ay YEEDHAY, oo waatan muwaadiniintii reer Somaliland cadho qaraqmay markay maqleen Madaxweynihii Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Farmaajo itoobiya ugu tegay, iminkana sow dhiigii ku’muu wada kicin markay maqleen Xamar iyo Fiila Soomaaliya oo aggaamaheedii wadata oo Farmaajo horkacayaa Hargeysa…

Continue Reading
ABIY AHMED IYO DAWLADA ETHIOPIA HADII AY RABAAN SOMALIWEYN IYAGUNA HA KA TANAASULAAN SOMALIDA ETHIOPIA !

ABIY AHMED IYO DAWLADA ETHIOPIA HADII AY RABAAN SOMALIWEYN IYAGUNA HA KA TANAASULAAN SOMALIDA ETHIOPIA !

Waxa aan daawanayay hadalka Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo u dhignaa sidii wax culeys lagu saarayo in Farmaajo Hargeisa yimaado oo uu wado Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali , hadalkaasi oo ah mid la yaab ah isla markaana aan aheyn mid qabta dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland. Haddaba Somaliland iyo Somalia oo isku biiray qadiyada Somaliweyn way ka waynayd waxaana ay ahayd in Somalida Geeska Africa degani hal dawlad isku noqdaan , Soomaalidaasi oo kala ah Somaliland, Somalia , Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya , waxaana ay ahayd rabitaan shacab oo xiligaasi taagnaa 1960kii. Maantana hadii ay hal dawlad isku noqonayaan Somalida ku nool Gobolka Geeska Africa iyaga ayey u taalaa , waana go’aan shacbigu leeyahay waxaana suuragal ahba in ay xili xiliyada ka mid ah ay dhici karto , ha yeeshee marka maanta la eego xaqiiqada iyo marxaladaha lagu kala sugan yahay taasi maaha wax fudud oo si degdeg ah u…

Continue Reading
MUQDISHO:- Haweenay Ninkeedii Hore Dhaawac Culus Gaadhsiiyay Oo Loo Qaaday Turkiga ( SAWIRRO )

MUQDISHO:- Haweenay Ninkeedii Hore Dhaawac Culus Gaadhsiiyay Oo Loo Qaaday Turkiga ( SAWIRRO )

Feb 18, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Waxaa manta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga sagootiyay haweeney dhaawac culus uu gaarsiiyay askari katirsan ciidanka dowlada Soomaalia sidoo kale horey u kala tageen haweeneydan dhibanaha ah. Amaal Maxamuud Maxamed waxaa dhaawac culus gaarsiiyay ninkeedii hore oo ah askari katirsan ciidanka dowlada, waxaana haweeneydan dhaawaca soo gaaray mudo dheer la jiiftay kadib markii ay qooskeeda awoodi waayeen in dibadda daaweyn ugu qaadaan. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale (ibraahim dheere) ayaa gabadhan dhibaha u gurmaday isagoona u suurto galiyay in loo qaado dalka Turkiga sidoo kale siiyay dhaqaalo badan oo ku baxaya daaweynteeda iyo nolosheeda. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa manata gabadhan dhibanah aha kasii sagootiyay Ibraahin Dheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna gabdhan dhaawacan u rajeeyeen caafimaad qab. Amaal Maamuud ayaa sheegtay in dhaawaca culus uu gaarsiiyay aabaha wiil ay dhashay, waxa…

Continue Reading
Dawlada Federaalka Somaliya Oo Xukuno Adag Ku RIday Wariye Iyo Labo Sargaal Oo Ka Tirsan Al Shabaab ( SAWIRRO )

Dawlada Federaalka Somaliya Oo Xukuno Adag Ku RIday Wariye Iyo Labo Sargaal Oo Ka Tirsan Al Shabaab ( SAWIRRO )

Feb 18, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ciidan ah ku riday sadex nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab. Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo loo yaqaan Tabliiq ayaa maxkamada ciidamada sheegtay in uu xubin ka ahaa Al Shabaab, waxaana maxkamada sheegtay in ninkan uu ahaa Wariye katirsan Al Shabaab kana shaqeenayay mid kamid ah Warbaahinta kooxdaasi. Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay Xasan Luqmaan ciidamada amaanka kasoo qabteen Degmada Howladaag , waxa uuna ninkan Maxkamada kahor qirtay in uu ahaa Wardoon katirsan Al Shabaab uuna inta badan gudbin jiray xogaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xasan Luqmaan ku riday 8-sano oo xabsi ciidan ah, waxa uuna gudoomiyaha sheegay in uu racfaan ka qaadan karo Xasan Xukunka lagu riday. Dhinaca kale Maxkamada Ciidamada…

Continue Reading
Goormuu dhaqan gelayaa heshiiska Mareykanka iyo Taliban?

Goormuu dhaqan gelayaa heshiiska Mareykanka iyo Taliban?

Heshiiska u dhaxeeya Taliban iyo ciidamada Mareykanka ee lagu yareynayo rabshadaha dalka Afghanistan, ayaa dhaqan-geli doona shanta maalmood ee soo soca gudahood, waxaa sidaas maanta sheegay sii-hayaha wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan. “Yareynta rabshadaha waxay billaaban doontaa shanta maalmood ee soo socda gudahood, waxaana saldhig u ah wada-xaajoodkii dhex maray Mareykanka iyo Taliban,” ayuu Masoud Andarabi u sheegay taliyeyaal boolis goboleedyo kulan isugu yimid magaalada Kabul. Toddobaadkii tegay, sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in wada-xaajoodyo dalka Qatar lagula yeeshay wakiilo ka socda Taliban ay dhaliyeen in mabda’ ahaan la isku raaco in rabshadaha la yareeyo muddo toddobaad ah. Saraakiisha Mareykanka iyo Taliban ayaa dalka Qatar ku wada-hadlayey tan iyo sanadii tagtay, ayaga oo doonaya in la gaaro heshiis ciidamada Mareykanka ay uga bixi karaan dalkaas, laguna soo geba-gebeynayo dagaalkoodii ugu waqtiga dheeraa. Taliban ayaa taas dhaafsaneysa inay damaanad qaado in

Continue Reading
Saameynta Coronavirus ee ganacsatada Soomaalida

Saameynta Coronavirus ee ganacsatada Soomaalida

Dalka Shiinaha waxaa weli dhibaato xooggan ku haya xanuunka Coronaviris, oo sidoo kale saameeyey meelo kale oo dunida ka mid ah. Tirada guud ee dadka cudurkan ugu dhintay dalka Shiinaha ayaa waxa hadda mareysaa 1,868 qof, halka ay la il-daran yihiin in ka badan 72 kun oo qof. Ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa dhankoodana ka walaacsan saameyn xooggan oo uu ku yeeshay xanuunka Coronavirus, kaasi oo hakad galiyey ganacsigii ay la lahaayeen dalka Shiinaha.

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading