Day: February 19, 2020

DAAWO:- Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Hargeysa, Kullan Xasaasi Ahna La Yeeshay Madaxweyne Biixi

DAAWO:- Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Hargeysa, Kullan Xasaasi Ahna La Yeeshay Madaxweyne Biixi

Feb 19, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa la filayaa inay Maanta soo gaadhaan Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland. Ma jiro war rasmiya oo dawladda Ethiopia ka soo saartay Booqashadda Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, balse Ilo wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Arbacadda maanta ah ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay soo gaadhi doonnaan Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna la filayaa inay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Muuse Biixi Cabdi ku qancin doonnaan aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda…

Continue Reading
Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia

Xiisad ka dhex oogan Turkey iyo Russia

Turkey iyo Russia ayaa is dhaafsaday hadallo kul kulul maanta oo Arbaca ah ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doonno Syria, si loo dhameeyo waxa ay Ankara ugu yeertay howlgallada arxandarrada ah ee ciidamada Syria ay ka wadaan gobolka Idlib. Tani ayaa imanaysa iyadoo hay’adaha gargaarka ee Syria ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in xabadda la joojiyo iyo in caawimaad caalami ah loo fidiyo dad ku dhow hal milyan oo qof oo ka cararaya dhibaatada ciidamada maamulka Asad ay ka wadaan gobolka ku yaalla waqooyi-bari dalkaasi ee Idlib. Dowladda Turkey oo taageerta kooxaha fallaagada ee ku sugan Idlib, ayaa in muddo ahba kala hadleysay Russia in xabbada la joojiyo, iyadoo dooneysa in ay ka hortagto mowjado kale oo qaxooti ah oo dalkeeda soo gala kuwaasi oo sii kordhin kara 3.7 milyan oo qaxooti Syria u dhashay oo haatan…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading