Day: February 24, 2020

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Madaxii Shirkadda Hormuud Ee Degmada Jilib.

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Madaxii Shirkadda Hormuud Ee Degmada Jilib.

Feb 24, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkadda Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilliga la duqeynayey ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Maamulka shirkadda Hormuud oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday. Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lamana oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad, iyadoo War horey uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo shirkaddan ay tahay mida ugu weyn Somalia ee

Continue Reading
“Waxaan Wasiir Ka Ahay Wasaaraddii Aan Waardiyaha Ka Ahaa” Saleebaan Cali Koore

“Waxaan Wasiir Ka Ahay Wasaaraddii Aan Waardiyaha Ka Ahaa” Saleebaan Cali Koore

Feb 24, 2020 Hargeysa (Cadceed)   – Marka la eego hannaanka siyaasadda ee Soomaalida, way adag tahay in dadka shaqooyinka hoose haya sida waardiyeyaasha oo kale ay maqaam sare ka gaaraan siyaasadda, balse ma adko in qofka uu ka meelgaaro hammigiisa. Taariikh noolaleedka iyo qaabka uu ku gaaray maqaamka siyaasadeed ee maanta uu joogo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore ayaa ka duwan sida ay dad badan u haystaan. Suleymaan waxaa uu sanadkii 1984 waardiye ka ahaa xarunta raadiyo Hargeysa oo hadda ay ku taallo wasaaradda warfaafinta ee Soomaliland. Wasiir Suleymaan oo sanadkii 1984 ay da’diisu ahayd 18 sano jir ayaa markii uu ka qallin jabiyay dugsiga sare ayaa waxaa uu ka qeybgalay barnaamijkii la oran jiray shaqo qaran, kaas oo ardayda la gellin jiray mudo laba sano ah kahor inta aysan shaqo billaabin. “Shaqadii qaranka ayaa la igu soo qoray…

Continue Reading
Filim jaceyl oo lagu soo bandhigay Hargeysa

Filim jaceyl oo lagu soo bandhigay Hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa shalay lagu soo bandhigay filim Soomaali ah kaasi oo ay jilayaan dhalinyaro reer Hargeysa ah. Filimka oo ka hadlayo Qiso jacayl ah ayaa waxaa loogu magac daray SHIL JACAYL, waxaana  soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Haddaba Khadar Maxamed Cakule ayaa ka waraystay sheekada filimkan cusub Deeq Aw Cali oo ah agaasima

Continue Reading
Mareykanka oo heshiis iibin agab militari ah la galaya India

Mareykanka oo heshiis iibin agab militari ah la galaya India

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu saxiixi doono heshiis looga iibinayo dalka India diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo qalab militari oo ku kacaya ilaa saddex bilyan oo dollar. Ku dhawaaqistan ayaa timid mar uu Trump ka hadlayay isu soo bax lagu soo dhoweynayay oo ka dhacay magalaada Ahmedabad, halkaasi oo dad gaaraya 100 kun ay ku soo aruureen si ay u dhagaystaan Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi. Ka hor booqashada, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in heshiis ganacsi uu weyn oo ka dhexeeya labada dal uusan qeyb ka ahayn safarkiisan. Laakin khudbaddiisa maanta ayuu ku ballan qaaday in labada dal ay yeelan doonaan mid ka mid ah heshiisyada ganacsi ee ugu weyn. Labada mas’uul ayaa ammaanay cilaaqaadka ka dhexeeya Mareykanka iyo India. “America wey jeceshahay India. America waa ay xushmeysaa India, America waligeedba waxay ahaan doontaa saaxiib

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading