Day: March 2, 2020

DAAWO:-Ciidamada Dowlada Somaliya Oo La Wareegay Gebi Ahaan Gacan Ku Haynta Degmada Balad Xaawo Iyo Xaalada Magaalada Oo Degan..

DAAWO:-Ciidamada Dowlada Somaliya Oo La Wareegay Gebi Ahaan Gacan Ku Haynta Degmada Balad Xaawo Iyo Xaalada Magaalada Oo Degan..

Mar 2, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo afjaray dagaal maanta ka dhacay magaalada Balad-xaawo, waxana waqti xaadirkan xaalad deganaansho ah laga dareemayaa magaaldaas Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo Korneyl Maxamed Caddow Cali Sanka ayaa sheegay inay soo afjareen dagaalkii ka dhacay Xaduud beenaadka Kenya, isla markaana xaalada ay tahay mid degan. Waxaa uu sheegay inay ka awood roonaadeen khasaarane gaarsiiyeen dad uu sheegay inay taageero ka helayeen C

Continue Reading
Hogaamiyihii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay Garoowe

Hogaamiyihii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Tagay Garoowe

Mar 2, 2020 Dhuusamareeb (Cadceed) – Wadaadka Hogaamiyaha Ahlu-suna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo shalay ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug, wuxuuna xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug, wuxuuna xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo. Illaa iyo hadda  lama ogga ujeedada socdaalkiisa  Garoowe, inkastoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan. Wararka qaarkood ayaa tilmaamaya in Macalin Maxamuud uu damacsan yahay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Garoowe, uuna ku sii jeedo Magaaladda Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ugu soo gudbayo dalka Sucuudiga.     Cadceednwes Desk

Continue Reading
Isku dayga ay Carabta Israel xukunka uga tuurayaan Netanyahu

Isku dayga ay Carabta Israel xukunka uga tuurayaan Netanyahu

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii taageerayaashiisa ku booriyey inay ka codeeyaan doorashada maanta dhaceysa ee Israel, si uu u helo kursiga ama labada dheeriga ah ee uu u baahan yahay si uu usoo dhiso dowladda cusub. Hase yeeshee, xilli uu olole ku jiray, ayaa awood kale oo ka mid ah siyaasadda Israel – Carabta laga tirada badan yahay – waxa ay doonayaan inay xamaasad iyo carro ka dhan ah Netanyahu iyo xulufadiisa Mareykanka u adeegsadaan inay doorashada u weeciyaan dhan kale. Sharci-dejiyayaasha Carabta ayaa bulshadooda ku booriyey inay si weyn uga qeyb qaataan doorashada maanta dhaceysa, ayna muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga.” Carada Carabta Israel ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qeyb ka mid ah qorshahan, taasi oo dib u calaameynaysa xuduudaha, islamarkaana qaar ka mid ah magaalooyinka iyo xaafadaha Carabta ka saaraysa Israel,…

Continue Reading
Dagaal Ka Dhex Billowday Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Maamulka Jubbaland

Dagaal Ka Dhex Billowday Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Maamulka Jubbaland

Mar 2, 2020 Beled Xaawo (Cadceed)  – Wararka ka imanaya magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka bilowday iska horimaad u dhexeeya ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa uu hoggaamiyo wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacayo laba qaybood oo ka mid ah magaalada, una dhow xududda Soomaaliya iyo Kenya. Waxaana haatan socdaa dagaalka u dhexeeya ciidamada dawladda ee gacanta ku haya Beled Xaawo iyo ciidamada Jubaland ee jooga dhinca xuduudda Kenya. Ilaa haatan khasaaruhu ma cadda, hase yeeshee waxaa la isku adeegsanayaa hubka culus. Cabdirashiid Janan ayaa horey uga baxsaday gacanta dawladda Soomaaliya waxayna dawladda Soomaaliya ka dalbatay Kenya inay usoo gacan geliso. Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Kenya inay faro-gelin ka waddo xuduudda gobolka Gedo iyo Kenya, eedeymahaas oo Kenya ay beenisay.

Continue Reading
Taliban ‘oo sii wadeysa’ weerarka ciidamada Afghanistan

Taliban ‘oo sii wadeysa’ weerarka ciidamada Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney dib u bilaabi doonto weeraradeeda ka dhanka ah ciidamada ammaanka ee Afghanistan, iyada oo soo afjareysa xabad joointii kmg ahayd ee dalkaasi ka jirtay ka hor heshiiskii dhexmaray Taliban iyo Mareykanka. Hadalkan ayaa yimid maalin ka dib markii Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu sheegay inuu sii wadi doono heshiiska yareynta rabshadaha ilaa wadahadalka Taliban iyo xukuumaddiisu uu bilaabanayo 10-ka bishan Maarso. Hase ahaatee afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in heshiiskii yareynta rabshada uu idlaaday islamarkaana ay kooxdu ay weeraradeeda dib u bilaabi doonto. “Sida uu qabo heshiiska Mareykanka iyo Taliban, mujaahidiintu ma weerari doonaan ciidamada shisheeye, laakin howlgalladeena ka dhanka ah ciidamada maamulka Kabul waan sii wadeynaa,” ayuu yiri afhayeenku. Fawad Amano o ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Afghanistan ayaa sheegay in dowladdiisu ay hubineyso in xabad joojintaasi ay burburtay. “Ma heyno wax…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading