Day: March 4, 2020

Kenya Oo Eedayn Usoo Jeedisay Dawlada Somaliya “Somaliya Waxay Ku Xad-gudubtay Dalkeena” ….Madaxtooyada Kenya

Kenya Oo Eedayn Usoo Jeedisay Dawlada Somaliya “Somaliya Waxay Ku Xad-gudubtay Dalkeena” ….Madaxtooyada Kenya

Mar 4, 2020 Nairobi (Cadceed) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba. War kasoo baxay madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya, Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka. “Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen…

Continue Reading
DAAWO:-Imaaraadka Oo Joojiyey Saldhigii Militari Ee Ay Ka Dhisanayeen Berbera Iyo Sababta Keentay

DAAWO:-Imaaraadka Oo Joojiyey Saldhigii Militari Ee Ay Ka Dhisanayeen Berbera Iyo Sababta Keentay

Mar 4, 2020 Hargeysa (Cadceed) – DAAWO:- Wargeyska The National ee ka soo baxa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in la joojiyay saldhigii milatari ee UAE ay ka dhisanaysay magaalada Berbera. Wargeyska oo warbixin ka qoray maalgashiga ay dawladda UAE ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa wuxuu si kooban u sheegay in saldhigaas milatari la joojiyay. “Imaaraadka Waxay saldhig milatari ku leeyihin Ereteriya ilaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” Ayuu ku yidhi wargeysku gunaanadka warbixintiisa, laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah iyo inuu warkan ka soo xigtay dawlada UAE. Madaxweyne Biixi ayaa bishii Septermber ee kal hore sheegay in madaarka Berbera ee saldhiga UAE ay ka dhisanaysay laga dhigay mid shicib oo ay diyaaradaha madaniga ahi isticmaali doonaan, waxaanu sheeg

Continue Reading
Guddomiyaha Baarlamaanka Kenya Oo Sheegay In Aysan Ciqaab Lahayn Xildhibaanadii Dhawaan Tegay Magaalad Muqdisho.

Guddomiyaha Baarlamaanka Kenya Oo Sheegay In Aysan Ciqaab Lahayn Xildhibaanadii Dhawaan Tegay Magaalad Muqdisho.

Mar 4, 2020 Kenya (Cadceed) – Afhayeenka Golaha Qaranka Justin Muturi waxa uu ka hadlay markii ugu horeysay safarka 11-Xidhibaan oo kasoo jeeda Ismaamulka Soomaalida oo dhawaan yimid Magaalada Muqdisho oo muran ka dhashay socdaalkooda kadib markii ay ku laabteen Kenya. Xildhibaanada ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa ay la kulmeen Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiiro katirsan XFS oo ay kala hadleen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Deegaanada ay kasoo jeedaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in aan Ciqaab la marin doonin 11-ka Xildhibaan, Justin Muturi waxa uu soo qaatay qodobka 260 ee ka hadlaya xubnaha Baarlamaanka Kenya in laga doonayo in ay fasax qaataan kolka ay socdaal dibadda ah galayaan balse aan ku xusneen Ciqaab la marsiiyo qofkii baalmarto. Hadalkaan Afhayeenka Baarlamaanka Kenya ayaa u meesha ka saaraya wararka sheegaya in ciqaab adag la marin karo Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka dalkaas ee Soomaaliya safarka qarsoodiga ah ku…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading