Day: March 6, 2020

Wasiir Bayle Oo Guul Weyn Ku Tilmaamay Daynta Laga Cafiyey Dawlada Soomaliya

Wasiir Bayle Oo Guul Weyn Ku Tilmaamay Daynta Laga Cafiyey Dawlada Soomaliya

March 6, 2020 Muqdiaho ( Cadceed) Wasiirka Maaliyadda dawlada federaalka Soomaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Soomaaliya dhammaan Deyntii uu ku lahaa Bangiga Adduunka uu cafiyay kadib dadaal badan oo lagu bixiyay howshaan. Qoraal uu kaga hadlayay tallaabadaan waxa uu ku yiri “Waa markale iyo farxad horleh, Bangiga Aduunka ayaa cafiyay dhamaan wixii deyn ah oo uu Soomaaliya kulahaa dadaal badan kadib, Waa markii ugu horeysay mudo 30 Sano kadib si rasmi ah aan uga mid noqono dalalka Xubnaha ka ah World Bank oo aan helno deeqaha horumarinta bangigu uu siiyo dalalka Xubnaha ka ah”. Bayle ayaa u mahadceliyay dalalka iio shaqsiyaadka Soomaaliya ka gacansiiyay howsha loo maray deyn cafinta, waxaana uu ka tilmaamay Dowladda Norway oo garab istaagtay Soomaalida sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya, dhamaan Wasaaradihii nagala qeyb galay Barnaamijka Deyn_Cafinta, Saaxibadeena caalamka oo ay ugu horeyso Dowladda Norway iyo Bulshada Soomaaliyeed…

Continue Reading
Jinku in uu galikaro jidhka Bini’Aadamka ma xaqiiq jirtaa misse? W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Jinku in uu galikaro jidhka Bini’Aadamka ma xaqiiq jirtaa misse? W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Dad badan oo Muslimiin ahi maanta waxa ay rumaysan yihiin in Jinigu/Jinku uu galo Dadka Jidhkiisi,shaqo iyo hawlna uu ka qabsan karo Jidhka gudahiisa ,isaga oo raacaaya Xididada Dhiiga qaada. Maskaxda dad badan oo muslimiin ah ayaa waxaasi aaminsan: Sidaa waxaa yidhi Caalimka wayn ee Reer Masar Khaalid Al-Kurdi.   Khalid Al-Kurdi iyo culumo kale oo Muslimiina ayaa jira oo iyagu  aaminsan in Jinki aanu wax awooda ku lahayn in si dhaqdhaaqleh uu u gali karo jidhka Bini-Aadmiga gudahiisa isaga oo halkaasi ka hagaaya kan maamulaaya.   Sida culumo badan oo Muslimiinii ay aamin sanyihiin ,in Jinku galo isla markaana uu maamushi Jidhka Bini-aadmiga, dhaqankiisa,ficiladiisa iyo dabeecadahiisana uu halkaasi ka xakameeyo,ayaa waxa ay tahay fikir iminka ay kasoo horjeedaan Culumo badan oo Muslimiin ah .   Waxaa iyaguna jira sheekooyin been abuura oo ku saabsan Guur iyo xidhiidh dhexmaray qoys Insi ah iyo Reer Jin,Sheekooyinka guurka ee sidan oo kale…

Continue Reading
Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Q2

Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Q2

Siddii qaybtii 1aad ku sheeganayd qoomiyada Soomaalidu iyaga oo dhaqan Ummad weeye Dabar go’aysa, ulama jeedo waa Ummad aduunka ka dhamaanaysa ama ka idlaanaysa se waa Qoomiyad waxay ku ahaayeen qoomiyada ay ka sii suulayso. Horta Qoomiyad waa Ummad isir, Af, magacyo, jinsi,  dhaqan, caado, agab iyo astaan wada leh ay ku soocmaan kuna suntamaan oo lagu garto looguna soo hagaago, iyada oo qoomiyadnimadu taa tahay Soomaaliduna tahay Qoomiyad jirta oo dhaqan Maxaa u sabab ah inay Dabar go’aan iyagoo dhaqan??. Waxa sabab u ah ama keenaysa in Qoomiyada Soomaalida ahi iyaga oo dhaqan oo aduunka ku guud noon inay Dabar go’aan ama doorsoomaan ba waa isbedel ku yimid shan tiir oo kamid ah tiirarka ay ku Taagnayd Soomaali-nimadu ee ay qoomiyada ku ahaayeen oo kasii suulaya kana sii tirtirmaaya qoomiyada Soomaalida kuwaas oo kala ah :-   1-hidihii ay ku Dhaqmayeen   2-Afkii ay ku hadlayeen   3-Magacyadii ay…

Continue Reading
Shirkada imaaraatiga ah ee Five Z Livestock LLC ayaa fashilantay oo dib ugu soo celisay Xoolo ay ka rareen Dekeda Berbera 11/1/ 2020

Shirkada imaaraatiga ah ee Five Z Livestock LLC ayaa fashilantay oo dib ugu soo celisay Xoolo ay ka rareen Dekeda Berbera 11/1/ 2020

Waxaa mareegaha Somaalida ka akhrisateen in dhawaan Xoolo gaadhaaya 3016  oo neef Dekeda Berbera dib lagu soo celiyey kadib markay ku bakhtiyeen Doonidii xoolo gaadhay 1684 oo neef. Arintani waxay god madow ku riday  bar bilowgii sumcadii Xoolaha Somaliland oo mudo xidhnaa lana rajeynaayey in dawlada  imaaraatigu suuqyo u raadiso.  Waxaan Shacabka Somaliland u soo ban dhigayaa sifaha xoolahaa dib loogu soo celiyey iyo sida ay wax u dhaceen: 1-  Waxaa shirkad la magac baxday Five Z Livestock LLC dhamaadkii sandkii hore ee  2019 laga diiwaan geliyey Caasimada Hargeisa ee Somaliland taas oo heshiisyo  qarsoodi ah la saxeexatay dhowr shirkadood  oo ay ka mid tahay shirkada  heshiiska ka noqotay ee Daiba Establishment For General Trading iyo shirkado yar yar oo kale oo dhawaan dhalad ah oo ujeedooyinkoodu yihiin in ay qiime aad u hooseeya ay ku kala iibsadaan  xoolaha Somaliland ee Suuq la’aantu haleeshay.   Waxaa shirkadahani ku heshiiyeen: 1- in Xoolaha lagu xareeyo Maxjarkii Al Jaabiri ee Berbera ee Sacuudigu lahaa…

Continue Reading
Bankiga Adduunka Oo Soo Saaray War Ka  Farxiyey Dowlada Somaliya

Bankiga Adduunka Oo Soo Saaray War Ka Farxiyey Dowlada Somaliya

March 6, 2020 Muqdisho (Cadced) – Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay 30 sano ka dib la soo noqotay hannaan ay ku heli karto taageero cusub oo toos ah oo uga imaanayso hay’adda horumarinta caalamiga. Waxay talaabo wanaagsan u qaaday hal abuurka daymaha looga cafinayo waddamada faqriga iyo soo kabashada sanadaha soo socda ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka. Guushan ayaa ka dambeysay markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacagihii Hay’adda horumarinta Caalamiga ah ay ku laheyd Soomaaliya si loo dhameystiro soo celinta xiriirka caadiga ah ee Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka. “Waxaan u hambalyaynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya gaarida yoolkaan taariikhiga kaasoo u ogolaanayaa Soomaaliya in ay hesho taageero dhaqaale oo xooggan oo ka imaanaysa Bangiga aduunka si loo horumariyo nolosha dadka,, tani waxay salka u dhigaysa soo bogsho dhaqaale iyo mid bulsho waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo dowladda Norway oo fududaysay habka dayn cafinta” sidaas waxaa yirri…

Continue Reading
Saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus

Saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus

Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalalka caalamka, ayada oo maalin kasta la xaqiijinayo kiisas cusub oo ah dad uu cudurka ku dhacay iyo kuwa u dhintay. In ka badan 3,200 oo qof ayaa cudurkan ugu dhintay caalamka oo dhan, ayada oo kumanaan kale ay la il-daran yihiin. Dalal badan ayaa dadka la weydiistay inay guryahooda joogaan oo aysan shaqooyinka iman, iskuullada ayaa la xiray, waxaana sidoo kale la joojiyey isu-imaatinka dadka ayada oo la baajiyey dhacdooyinka cayaaraha. Dadka u dhimanaya cudurka ka sokow, waxa uu yeeshay saameyn dhaqaale oo xooggan, ayada oo lacag badan ay ku lumen suuqyada saamiyada.

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading