Day: March 9, 2020

DAAWO:-“Somaliland Waa Inay Heshaa Qaybteeda Mashaariicda Ay Bixiso Dowlada Federaalka Somaliya” Senator Ayuub  Oo Ka Mida Aqalka Sare Somaliya Kana Soo Jeeda G/Awdal

DAAWO:-“Somaliland Waa Inay Heshaa Qaybteeda Mashaariicda Ay Bixiso Dowlada Federaalka Somaliya” Senator Ayuub Oo Ka Mida Aqalka Sare Somaliya Kana Soo Jeeda G/Awdal

March 9, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Xildhibaan Ayuub Ismail Yusuf Oo Kasoo Jeeda Gobolka Awdal Ayaa Inta Badan Ka Hadlay Danaha Iyo Maslaxada Shacabka Reer Somaliland Gaar Ahaan Kuwa Gobolka Awdal Ee Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo. Waxaan Halkan Idiinku soo gudbinaynaa Hadal Kooban oo uu Senatorku Ka Jeediyay Kulan ay Qabteen Ururka #Badbaado oo ah Mid ay Ku Midaysanyihiin Dhalinyarada Gobolada Waqo

Continue Reading
Hoggaamiyeyaasha Ahlu-sunna Macalin Maxamuud Iyo Sheekh Shaakir Oo U Baxsaday Imaaraadka Carabta

Hoggaamiyeyaasha Ahlu-sunna Macalin Maxamuud Iyo Sheekh Shaakir Oo U Baxsaday Imaaraadka Carabta

March 9, 2020  Muqdisho  (Cadceed) –  Hoggaamiyeyaasha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa gaadhay Magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxdii Xukuumadda Galmudug ayaa safarka ay ku tageen Magaalada Dubai waxaa ku wehelinayay xubno ka tirsan Ahlusunna. Ilo ku dhow dhow hoggaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xidhiidh hoose uu dhex-maray Madaxda Ahlusunna Waljamaaca ee fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb iyo Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan iskaga baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii halkaas dagaal xooggan uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Cadceednwes Hargeysa

Continue Reading
Raysal  Wasaaraha Sudan Oo Ka  Bad-baaday Isku Day Dil

Raysal Wasaaraha Sudan Oo Ka Bad-baaday Isku Day Dil

March 9, 2020 Sudan (Cadceed) – Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa isaga oo aanay wax dhibaato ah gaarin ka badbaaday isku day lagu dili lahaa ayada oo qarax la adeegsanayo, sida uu sheegay kaaliyihiisa. “Qarax ayaa haleelay baabuurka ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, balse Allah mahadiis cidna wax kuma noqon,” ayuu yiri Ali Bakhit oo ah agaasimaha xafiiska Hamdok. Wasiir ka tirsan xukuumadda Hamdok ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ra’iisul wasaaraha uu ka baxsaday weerarka oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka dowladda ayaa muujinayey laba baabuur oo uu waxyeello gaarsiiyeey qaraxa oo ka dhacay degmada Kober ee waqooyiga bari ee bartamaha Khartoum. Taleefishinka dowladda waxa uu sheegay in kolonyada Hamdok la beegsaday, hase yeeshee uu iminka “bad qabo loona kaxeeyey goob ammaan ah.” Qoyska Hamdok ayaa sidoo kale u xaqiijiyey wakaaladda wararka AP inuu “bad qabo oo goob amni ah uu joogo.” Goobta qaraxa…

Continue Reading
Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Ballaadhan Ku Samaynaya Xukuumaddiisa

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandhayn Ballaadhan Ku Samaynaya Xukuumaddiisa

March 9, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Waxa si weyn loogu dhegtaagayaa isku shaandhayn xoogleh oo uu Madaxweyne Biixi boodhka kaga jafayo Golihiisa Xukuumadda taasi oo saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay islamarkaana fadhiga ka kicisay Masuuliyiin badan oo ka cabsi qaba inay saamayn ku yeelato. Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Biixi qorshaynayo inuu isku shaandhayn baaxadleh uu ku sameeyo Golihii Xukuumadda, waxaana arintan si weyn looga dareemayaa Golayaasha Xukuumadda oo saacidihii lasoo dhaafay iska warsanaya goobaha iyo shaqsiyaadka illaa hadda la ogaaday inay seeftu la kacayso ama masuuliyiinta ay saamaynayso isku shaandhayntani. Dhinaca kale, waxay arintani fadhiga ka kicisay masuuliyiin badan oo Xukuumadda ka mid ah kuwaasi oo aad uga cabsi qaba inay seefto qaadato, ama uu Madaxweynuhu xilka ka qaado, waxaanay qaarkood guclo orod ugu jiraan inay wax kasii ogaadaan xogta ku duugan isku shaandhayntan. Inkasta oo ay…

Continue Reading
Riyo-raac Muxuu Ka Yidhi Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridku ? + SAWIRRO

Riyo-raac Muxuu Ka Yidhi Heshiiskii Ay Kala Saxeexdeen Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridku ? + SAWIRRO

March 9, 2020 Hargeysa (Cadceed) -Komishanka Cusub ee Doorashooyinka ayaa waxa uu maanta oo ay bishu tahay 9ka March 2020 xafiiska Komishanka ku qaabilay Safiirka EU-da, Mudane Nicholas Berlanga iyo safiirka Sweden, Mudane Staffan Tillander oo ayaamahanba safar shaqo u joogay Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeedada kulankan ayaa ku saabsanayd; 1) arrimaha doorashada iyo sidii wadanka ay uga qabsoomi lahaaayeen sanadka 2020 doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dhawr jeer soo muddo dhaafay, iyo 2) sidii looga midho dhalin lahaa heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay xisbiyada qaranku ku kala saxeexdeen Madaxtooyada Somaliland 27kii February 2020. Xubnaha waftiga ayaa tilmaamay in ay hadda kalsooni ku qabaan in dhamaan dhinacyada kala duwan ee heshiiska ku midoobay ay diyaar u yihiin hirgalinta iyo ka midha dhalinta heshiiska ka dhashay dedaaladii dhexdhexaadinta ee muddada soo socday. Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska qaran waxaanuu tilmaamay in uu diyaar u yahay sidii uu dhinaciisa…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading