Day: March 10, 2020

Trump Oo Diiday In Kaarantiin La Galiyo Kadib Markii Uu Si Lama Filaan Ah Ula Kulma  Qof Qaba Xanuunka Coronavirus

Trump Oo Diiday In Kaarantiin La Galiyo Kadib Markii Uu Si Lama Filaan Ah Ula Kulma Qof Qaba Xanuunka Coronavirus

March 10, 2020 Washigton (Cadceed) – Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa diiday in laga baaro Caabuqa Corona ama la karantiilo, isagoo sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay Caabuqa Corona. Shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee talada haya, oo madaxweynaha kala qeyb galay shirkaas dhacay bishii lasoo dhaafay ayaa si iskood ah isu karantiilay, maadaama ay gacmaha ku salaameen qofka laga helay Caabuqa Halista ah ee sii faafaya. Siyaasiyiintan oo xubno ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka, sidoo kalena uu ku jiro Senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in uu Caabuqa ku dhacay iyo in kale. Haweeney ka oo ka tirsan xisbiga Dumuqraaddiga Mareykanka ayaa iyadana is karantiishay kaddib markii ay la kulantay qof qaba Caabuqa. Dalka Mareykanka waxaa ilaa hadda laga soo tabiyay in ka badan 700 oo kiisaska Corona ah, halka 26…

Continue Reading
Ciyaartoy Geeriyooday Isagoo Garoonka Ku Jira Wakhti Ay Ciyaari Socotay

Ciyaartoy Geeriyooday Isagoo Garoonka Ku Jira Wakhti Ay Ciyaari Socotay

March 10, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Nigeria (NFF) ayaa hakiyay tartankii ciyaaraha, iyagoo sheegay in la hubin doono adeegyada caafimaad ee dhammaan kooxaha ka tirsan horyaalka dalkaas kaddib markii uu maalintii Axadda ahayd geeriyooday ciyaartoy garoonka ku jiray. Chineme Martins, oo 22 jir ah ayaa istaagga ka dhacay xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa Nasarawa United. Martins ayaa mar qura miyir daboolmay, isagoo uusan ciyaartoy kale la joogin, markii ay ciyaarta mareysay qeybtii labaad. Kooxda Nasarawa ayaa markaas la ciyaareysay kooxda kale ee lagu magacaabo Katsina United. “Ciyaartoyga waxaa adeeg caafimaad u fidiyay dhakhaatiirta labada kooxood … Markii dambena waxaa loola cararay isbitaalka Dalhatu-Araf Specialist ee magaalada Lafia, halkaasoo ugu dambeyntii lagu shaaciyay inuu geeriyooday”, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray maamulka xirfadleyda Horyaalka Kubadda Cagta ee Nigeria.Meydkiisa ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado sababta keentay dhimashadiisa. Hase ahaatee Xiriirka Kubadda Cagta Nigeria ayaa…

Continue Reading
Ethiopia Oo  Joolisay Maalgashigii 19% Ahaa Ee Ay Ku Lahayd Dekeda Berbera + Sababta

Ethiopia Oo Joolisay Maalgashigii 19% Ahaa Ee Ay Ku Lahayd Dekeda Berbera + Sababta

March 10, 2020 Addis Ababa (Cadceed) – Wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ayaa sheegay in si buuxda loo joojiyay maalgashigii 19% ee ay Itoobiya ku lahayd horumarinta iyo ballaarinta dekedda Berbera.Wargeyska Capital oo warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19 % ku lahayd horumarinta dekedda Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi ahaantiiba la joojiyay.“Itoobiaya waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yiri warbixintiisa.Itoobiya waxay saamigaan ka heshay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta (DP World) iyo Maamulka Somaliland, iyadoo ku bedelatay si ay u horumariso jidka isku xidha Berbera oo ah irrid ganacsi oo laga helo Somaliland.Ethiopia…

Continue Reading
Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay Inuu Xisbiga UCID Ku Celiyay Xubintii Guddiga Dorashada

Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay Inuu Xisbiga UCID Ku Celiyay Xubintii Guddiga Dorashada

March 10, 2020 Hargeysa (Cadceed) -Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xisbiga UCID dib ugu soo celiyay xubintii ay u magacaabeen guddiga doorashooyinka Md. Xasan Yuusuf Ducaale. Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada iyo xisbiga UCID ku xaqiijiyeen dib u soo celinta xubintan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in xafiiska Madaxweyne Biixi ku soo wargeliyay xisbiga UCID dib u soo celinta xubintaas. Xasan Yuusuf Ducaale, ayaa iska casilay guddiga doorashooyinka wakhtigii uu taagnaa khilaafkii Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ahi, laakiin xisbiga UCID ayaa markii khilaafka laga heshiyay wuxuu toddobaadkan dib u magacaabay xubintaas oo uu Madaxweyne Biixi u gudbiyay. Xisbiga UCID ayaa la filayaa inuu bedelo xubintan uu madaxweynuhu ku soo celiyay oo uu soo magacaabo xubin kale.

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading