Day: March 11, 2020

Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay Duqeyn Mareykanka Ka Geystay Janaale & Khasaaraha Ka Dhashay ( SAWIRRO )

Dowlada Somaliya Oo Ka Hadashay Duqeyn Mareykanka Ka Geystay Janaale & Khasaaraha Ka Dhashay ( SAWIRRO )

March 11, 2020 Boorama (Cadceed) – Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowlada Mareykanka ayaa shalay duqeyn waxa ay la beegsadeen gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Homy oo marayay tuulada Ugunji oo ku dhaw deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. War saxaafadeed kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay duqeynta ka dhacday duleedka Janaale in lagu dilay shan katirsan dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale lagu gubay gaarigii ay la socdeen. Dowlada warka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday duleedka Janaale aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah kaliyana lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab oo ay sheegeen in bartilmaameed ahaayeen. Hasa ahaatee waxaa soo baxaya warkan mid kale oo ka duwan, waxaana Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha sheegeen in duqeynta ka dhacday duleedka Janaale lagu dilay afar qof oo shacab ah oo kusii jeeday magaalada Muqdisho. Warbaahintan ayaana soo bandhigtay sawirada gaariga gantaalka lagu dhuftay iyo…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading