Day: March 12, 2020

Jilaaga Filim-kii Laga Sameeyay Budhcada Badeeda Somalida (Captain Phillips) Tom Hanks Oo Laga Helay Caronavirus

Jilaaga Filim-kii Laga Sameeyay Budhcada Badeeda Somalida (Captain Phillips) Tom Hanks Oo Laga Helay Caronavirus

March 12, 2020 California ( Cadceed) – Jilaaga caanka ah ee Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson ayaa is karaantiilay kadib markii uu ku dhacay cudurka Caronavirus, Tom oo dalka Australia u joogay in uu filim jilo ayaa hada ku jira xaalad karaantiil ah. Waxaa sii kordhaya dadka madaxda iyo kuwa caanka ah uu ku dhacayo cudurka safmarka ah ee Caronavirus, cudurkan kasoo bilowday dalka Shiinaha ayaa hada qatar badan ku haya daafaha dunida. “Waxaan isku arkay ataamaha cudurka Carona lagu sheegay ,waxaan dareemay daal, sida inagoo uu qabow nagu dhacay iyo xoogaa jir cuncun ah. Sidoo kale qandho kooban,” ayuu yiri jilaa Tom Hanks. Tom Hanks ayaa atoore kasoo noqday filimaan badan oo qaarkood caan yihiin, waxaana filimaanta uu atooraha kasoo noqday kamid ah filimka caanka ah ee Captain Phillips oo laga sameeyay budhcad badeedda Soomaalida. Cudurka Caronavirus ayaa haleelay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil, Jilayaal, Ciyaaryahano iyo dad badan oo caan…

Continue Reading
Ganacsade Maxamed Aw Siciid  Oo Lasoo Dhintay Muuse Biixi Maxaa Keenay In Biixi Kala Daadiyo Kootadii Uu Ku Haystay Xadhiga Internetka Ee Fiber Optic ?

Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Lasoo Dhintay Muuse Biixi Maxaa Keenay In Biixi Kala Daadiyo Kootadii Uu Ku Haystay Xadhiga Internetka Ee Fiber Optic ?

March 12, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Tan iyo markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamanka Somaliland (Wakiillada iyo Guurtida) ay si rasmi ah u meel mariyeen wax ka baddalka iyo Kaabista lagu sameeyey xeerka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland xeer Lr.50/2011 sidaana dabarka kaga furay isgaadhsiinta Internetka ee Kaybalka loo yaqaano oo hore xeerkaasi u jidaynayay kooto shirkad gaar ah loogu siiyay, waxa in badan dadku is waydiinayay maalmihii ugu dambeeyeyna doodaha ugu culusi ka taagnaayeen halka ay iska seegeen iyo sababta ay ku timid in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Mulkiilaha shirkadda Kootada lagala noqday Maxamed Siciid Geeddi. Iyada oo geeddi socodkii muddaysnaa ee arrintani soo martay (Road Map) ahaa mid si hoose u socday oo aanay inta badan saxaafaddu ka war qabin heerarkii ay soo martay ayaa keentay in dad badan oo dhaqaalaha iyo siyaasadda ka faaloodaa dhinacyo kala duwan ula kacaan halka xaajadani ku soo ururtay oo ugu…

Continue Reading
DAAWO:- Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Nin Ka Tirsanaa Daacish ( SAWIRRO )

DAAWO:- Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Nin Ka Tirsanaa Daacish ( SAWIRRO )

March 12, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Nin lagu eedeeyayin uu horay u dilay Askari ka tirsanaa Ilaalada Degaanka Xamar ee Gobolka Banaadir. Maxamed Cali Maxamed Faarax oo ku dhashay Kismaayo ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanyahay Ururka Daacish sidoo kalena dilay Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo uu Bishii August 2019kii ku dilay Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda. Ninkan ayaa la sheegay in Ururka Daacish uu uga biiray Buuraleyda Galgala ee Puntland halkaas oo ay ka dagaallamaan Daacish faraceeda Soomaaliya. Qareennada u doodayay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanaha ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ku dhawaaqay in Maxamed lagu xukumay dil toogasho ah. Kolnay Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay Maxamed Cali Maxamed Faarax uu khirtay dhamaan eedama loo jeediyay,haatana loo xukumay dilka Marxuum Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo ka tirsinaa…

Continue Reading
DAAWO:- Maamulka Cusub Ee Galmudug Oo  Digniina Culus  U Diray Puntland ” Waxaan Uga Digayaa Maamulka Puntland Faragelinta Ay Ku Hayso Arrimaha Galmudug”

DAAWO:- Maamulka Cusub Ee Galmudug Oo Digniina Culus U Diray Puntland ” Waxaan Uga Digayaa Maamulka Puntland Faragelinta Ay Ku Hayso Arrimaha Galmudug”

March 12, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku eedeeyay  Maamulka deriska la ah ee Puntland inuu farogelin  ku hayo arrimaha gudaha Maamulka Cusub ee Galmudug. Afhayeenka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu farogelin ku hayo uuna uga digayo farogelintaas. “Waxaan uga digayaa Maamulka Puntland faragelinta ay ku hayso arrimaha Galmudug, haddii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.”ayuu Taardhuleed u sheegay warbaahinta. “Maamulka aan dariska nahay ee Puntland ha joojiyo jamhadaha uu Ku hubeynayo Galmudug , hadii puntland ay joojin wayso ficilada ay wado waxay naga heli doontaa jawaabta ay mudantahay” ayuu hadalkiisa raaciyay . Afhayeenka Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Puntland oo ah Maamul deris la’ah Maamulka Galmudug in ay ilaaliyaan dowladnimada iyo nidaamka,balse isagu uusan ka xumeen in ay soo dhaweeyeen hoggaanka Ahlusunna,balse Madaxda Puntland aysan jecleyn…

Continue Reading
Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Oo Xil Wasiir U Magacaabay Gabadh Soomaaliyeed Oo Da’ Yar

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Oo Xil Wasiir U Magacaabay Gabadh Soomaaliyeed Oo Da’ Yar

March 12, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayuu xilka Wasiirka Haweenka iyo Caruurta Itoobiya ugu magacaabay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Filsan Cabdullaahi Axmed . Gabadhan Soomaaliyeed oo soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa noqotay gabadhii ugu horeesay oo Soomaaliyeed xil wasiir ka qabata dowlada federaalka Itoobiya. Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa kamid aheyd dhalinyarada saameynta muuqata xiligan ku lahaa gudaha Itoobiya, waxa ayna gabadhan iska leedahay Telefishinka keliya ee madax bannaan ee laga furay gudaha deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo (Nabad TV). Soomaalida kunool dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Filsan Cabdullaahi oo ay sheegeen in ay ka filayaan waxqabad muuqda, waxa ayna u muujiyeen gabadhan Soomaaliyeed garab istaag iyo taageero. Cadceednwes Hargeysa

Continue Reading
Ilhan Cumar Oo Shaacisay Inay La Aqal Gashay Tim Mynett Oo Muddo Wada Socdeen

Ilhan Cumar Oo Shaacisay Inay La Aqal Gashay Tim Mynett Oo Muddo Wada Socdeen

March 12, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay. Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay. Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda. “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka. Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading