Day: March 13, 2020

Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Oo Markale Loo Doortay Hogaanka Guud Ee Beelaha DIREED  ( SAWIRRO )

Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Oo Markale Loo Doortay Hogaanka Guud Ee Beelaha DIREED ( SAWIRRO )

March 13, 2020 Addis Ababa (Cadceed) – Waxaa dhawaan lagu soo soo gabagabeeyay shirweyne ay beelaha DIREED ku yeesheen caasimada gobolka Oromada, shirkaas oo daba socday shir ay sanadkii dhamaaday horaantiisii ay ku yeesheen magaalada diridhaba ee dalka Itoobiya. shirkaas ay kasoo qayb galeen madaxdhaqmeed iyo odayaal kabadan 900 ergo oo isaga kala yimi dhamaan gobolada dalka itoobiya iyo Soomaliya. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo casuumay madaxda dowlada federaalka itoobiya. Ujeedada shirkaa ayaa lagu sheegay sidoo loo midayn lahaa loona adkayn lahaa qowmiyada direed ee ku kala daadsan daafaha dunida Gabagabadii shirka ayaa waxaa loo codeeyay cidda hogaanka u noqonaysa Beelaha direed maadaama sanadkii hore si kumeel gaadha loogu doortay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac dhawal. Madax-dhaqameedka Beelaha Direed ee shirka kasoo qayb galay ayaa dhamaantood isku wada raacay in markale xilka loo dhiibo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal. Cadceednews Desk

Continue Reading
DEGDEG- Dhimasho yo Dhawaac Ka Dhashay Ciyaar Garoonka Kubada Cagta Ee Burco Ku  Dhexmartay Laba Kooxood

DEGDEG- Dhimasho yo Dhawaac Ka Dhashay Ciyaar Garoonka Kubada Cagta Ee Burco Ku Dhexmartay Laba Kooxood

March 13, 2020 Burco (Cadceed) – War DEG DEga Tirada Dhimashada Iyo Dhawaaca Ka Dhashay Ciyaartii Garoonka Kubada Cagta Burco Alle Ha Uu Naxariiste Waxaa Galabta Garoonka Kubada Cagta Ku Dhintay Hal Askari Oo Lagu Magcaabi Jiray Jaamac Sidoo Kalena Waxaa Dhaawac Halisa Soo Gaadhay Taliyihi Saldhiga Aadan Saleeban ee Magaalada Burco Oo Xaaladiisa Caafimad Lagu Dabiibayo Cisbitaalka Togdheer Ee Magaalada Burco Waxana Sidoo KALEna Dhaawaca Laba Qof Oo Shacaba Iyadoona Rasaasta Uu Ku Dhinta Askarigan Ay Furen Askar Ka Tirsan Ciidanka Booliska Togdheer Ciidamada Booliska Togdheer Ayaa Maanta Ka Qayb Qaadanyey Sugida Amaanka Garoonka Kubada Cagta Ee Magaalada Burco Oo Ay K socoto gebogebadi Wareegii Kooxaha Heerka Kowaad Oo Dhamaad Ahaa  

Continue Reading
Kenya Oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Cudurka Coronavirus

Kenya Oo Laga Helay Kiiskii Ugu Horeeyay Ee Cudurka Coronavirus

March 13, 2020 Nairobi (Cadceed)  – Dowladda Kenya ayaa mamnuucday dhammaan dhacdooyinka waa weyn ee bulshada ay isugu yimaadaan kadib markii dalkaas laga xaqiijiyey kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah oo lagu arko Bariga Afrika. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiiska laga helay haweeneyn Kenyan ah oo kasoo laabatay dalka Mareykanka. Kenya, oo ah dalka ugu hodansan gobolka, islamarkaana xarun u ah shirkado caalami ah iyo hay’adaha QM, ayaa ah dalkii 11-aad ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee laga helo Coronavirus. Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay, in kasta oo isu-imaatinada dadweynaha la mamnuucay, haddana iskuulada ay sii furnaan doonaan. Waxyar kadib markii lagu dhowaaqay warkan, ayaa shacab badan waxay billaabeen inay dukaamada aadaan, si ay usoo iibsadaan kiimikada gacanta nadiifisa. Kagwe ayaa sheegay in haweeneyda laga helay cudurka xalay la dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn dowladda ee Kanyatta National Hospital.…

Continue Reading
Waa maxay erayga””Genocide””Xasuuq? yaa bixiyey, goorma ayaa la bixiyey ? W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Waa maxay erayga””Genocide””Xasuuq? yaa bixiyey, goorma ayaa la bixiyey ? W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Ereyga ama kalmadda “Genocide”Xasuuq waxa ay soo baxday xiliyadii Tariikhdu ahayd  1944.Waana xiliyadii uun waxyar ka dib ay dhamadeen dagaladii ka dhacay Yurub ee u dhaxeeyey Jarmalka iyo dawladahii kale. Ereygani waxa uu leeyahay macno gaar u ah, macnahaasina waxa uu ka turjimayaa xiligii iyo xaalad markasuun dhacday ,walibana waxa uu si gooniya u tilmaamayaa Xasuuqii Yuhuuda uu u gaystay Jarmalku. Kalmadan “GENOCIDE” Af-Somalina noqonaysa Xasuuq lama odhan karo waxaa  “bixiyey” lakiin waxa  aynu odhan karnaa waxa HIBEEYEY  fikir kiisana ay tahay ninka layidhaa “Raphael Lemkin” oo asalkiisa lagu sheego Polish Yuhuudi ah, ku noolana dalka Poland. Eraygan Xasuuq waxa uu kaga duwan yahay eraybixino badan oo jira, waxa si guud u tilmamayaa xaalado gaar ah oo ku sifaysan dhibaatooyin loo gaystay Qoomiyad isku Af,Isir,Qabiil,Deegaan iyo Diin loogu gaystay waxa ay yihiin ama ay aamin sanyihiin iyo sida ay u fikirayaan. Erayga Xasuuq waxa uu koobsanayaa inta dhibaato Bulsho loo…

Continue Reading
Dekadii Berbera ka Digorogotay itoobiya.

Dekadii Berbera ka Digorogotay itoobiya.

Waxay ahayd maarj 2018 kii markii ay wada saxeexdeen heshiiska Saddex geesoodka ahaa ee maalgashiga dekeda Berbera, kaas oo u dhexeeyey shirkada DP world iyo labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo ku heshiiyeen saami qaybsi maamul u dhignaa in saami dhan 51% shirkada DP World yeelanayso, halka Jamhuuriyada Somaliland na 30%, Dalka Itoobiyana 19%. Hadaba Dalka itoobiya oo ah Dal aan bad lahayn ayaa dhowr goor oo ay aqoon isweydaarsi iyo wada tashi iskugu yimaadeen xukuumada itoobiya, aqoonyahan iyo ganacsatada Dalka itoobiya ay ku gorfeynayaan siddii ay u heli lahaayeen deked ay iyagu maal gashadaan oo ay iyagu maamushaan sidda DP World oo kale in siddii loo heli lahaa falawgeed la qabto, Siddoo kale wasiirada Gaadiidka ee Dalka itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegtay in mudo uu qorshe meel u yaalay, kaas oo ahaa siddii mudo 10 sanadood gudahood ah loo hirgelin lahaa deked ay itoobiya ku yeelato mid…

Continue Reading
Shiinaha Oo Shaaciyay Dalka Uu Ku Tuhmayo Inuu Ka Danbeeyo Xanuunka Coronavirus.

Shiinaha Oo Shaaciyay Dalka Uu Ku Tuhmayo Inuu Ka Danbeeyo Xanuunka Coronavirus.

March 13, 2020 China (Cadceed)  – Dalka Shiinaha oo ah wadankii ugu horeeyay ee uu ka dilaacay xanuunka corona ee hataan dunida ku faafay ayaa ka hadlay dalka uu ku tuhmayo in uu ka dambeeyay faafidda xanuunka corona. Wakalaadda wararka ee Reuters ayaa warisay in afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian uu bartiisa Twiter-ka ku qoray in milateriga Mareykanka laga yaabo in xanuunka corona ay geeyeen magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka dilaacay xanuunka, saameynta ugu bandanna uu ku yeeshay. “Waxaa laga yaabaa in ciidmaada Mareykanka ay xanuunkaasi safmarka ah geeyeen Wuhan, warkiinu ha cadaado, waxaana Mareykanka ka sugeynaa fahfaahin ku aadan arrinta” ayuu Zhao ku qoray bartiisa Twiter-ka. Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aaday xilli safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Mr Songtian uu sheegay in xanuunka uu ka bilawday dalka shiinaha balse taas aysan ka dhigneyn in xanuunkas markiisi hore ka bilawday dalkaas.…

Continue Reading
Raysal  Wasaaraha  Canada Justin Trudeau Oo Is Kaarantiimay Kadib Markii Xaaskiisa Laga Helay Xanuunka Coronavirus.

Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau Oo Is Kaarantiimay Kadib Markii Xaaskiisa Laga Helay Xanuunka Coronavirus.

March 13, 2020 Ottawa (Cadceed) -Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Coronavirus awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay. Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK. Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan Coronavirus, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso. Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka, iyadoo Dhakhtarkiisa gaarka ah uu kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad. Balse bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in si wax walba loo hubiyo uu ku shaqeynayo gurigiisa.     Cadceednws Desk

Continue Reading
Muxuu Ergayga Midowga Yurub Kala Noqday Socdaalkii Uu Ku Yimid Hargeysa?

Muxuu Ergayga Midowga Yurub Kala Noqday Socdaalkii Uu Ku Yimid Hargeysa?

March 13, 2020 Hargeysa (Cadceed) -Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga oo gadhwadeen ka ahaa heshiiskii ay wada saxeexdeen Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku, ayaa dalka ka dhoofay, ka dib dhawr maalmood oo uu socdaal ku joogay Hargeysa. Ergayga oo uu weheliyay safiirka Sweden, ayaa socdaalkan ay ku yimaadeen Hargeysa wuxuu u muuqday mid culayskiisu ahaa dhinaca mashaariicda horumarinta oo uu Midowga Yurub la saxeexday wasaarado ka tirsan xukuumadda Somaliland, laakiin socdaalkiisa oo ay bulshadu isha ku haysay inuu diblomaasigani ku sii ambo qaado hawlaha qabyada ka ah  heshiiskii la kala saxeexday, ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada oo uu markii u horaysay kulan la yeeshay. Inkastoo uu ergaygu kulamo shaqo oo u muuqday inay ka baxsanyihiin arrimo siyaasadeed la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin madaxweyne-xigeen Saylici iyo Wasiirka arrimaha gudaha, haddana waxaan doorkan war rasmi laga haynin kulan…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading