Day: March 14, 2020

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo In Madaxweynuhu Wareejin Karo Guddoomiyenimada & Mustaqbalka Maxamuud Xaashi

Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo In Madaxweynuhu Wareejin Karo Guddoomiyenimada & Mustaqbalka Maxamuud Xaashi

March 14, 2020 Hargeysa (Cadceed)  – Shirweynaha xisbiga KULMIYE ayaa la mudeeyay inuu qabsoomi doono bisha June ee sannadkan. Shirweynahan KULMIYE ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka xisbiga ee shanta sannadood ee soo socota oo ah guddoomiye, afar guddoomiye-xigeen oo kala hoseeya iyo xoghayaha guud ee xisbiga. Waxa kale oo la dooran doona guddiga fulinta ee xisbiga. Suaalaha ugu badan ee siyaasiyan la iska weydiinayo shirweynaha xisbiga ee bisha June iyo natiijadiisa ayaa waxa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga oo uu Madaxweyne Biixi hadda hayo, waana su’aasha ugu adag ee aan weli jawaab rasmi ah loo haynin in Madaxweyne Biixi wareejin doono guddoomiyaha xisbiga iyo inuu sii haysan doono guddoomiyenimada xisbiga. Hase yeeshee dad badan ayaa qaba inaanu madaxweyne Biixi wareejin doonin guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxaanay dadka aragtidan qabaa aaminsanyihiin in Madaxweyne Biixi ka cabsi qabo inuu xisbigu galo tafaraaruq siyaasadeed haddii uu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga. Dad kale ayaa…

Continue Reading
Maxaa Hargeysa dib ugu soo celin kara xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya?

Maxaa Hargeysa dib ugu soo celin kara xayndaabka Jamhuuriyada Soomaaliya?

Sideedaba dareenka runta ah ee bulsho waxa laga dhex helaa munaaqashada maalinleyda ah ee ka dhacda fagaarayaasha dad-weynahu ku kulmaan, siiba dareen celintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda. Mujtamaca ku nool ama ka soo jeeda Somaliland (SL) marka aad dhegaysato dareenkooda fal-celineed ee wada-hadalada Xamar iyo Hargeysa, waxa kaaga soo dhex-bixi dhawr mowqif oo dadku qabaan, warqdanina si kooban ayey u falanqayn. Mowqifka 1aad waa in Xamar ay garawsato gooni-isu-taagga Somaliland (SL); taasoo ka dhigan, ama u dhacaysa, inta Xamar leedahay Somaliland annaga ayey na hoos timaadaa in aan wada-hadal bilaabmi karin. Jawaab-celinta mowqifkani waa in mowqifkani yahay xatabad laga soo gudbay, ka dib markii sannadkii 2012 madaxweyne Silanyo ku qanciyey dhammaan haya’adaha dasatuuriga ah ee SL inay bilaa shuruud wada-hadal ula bilaabaan Xamar. Kulankii London ee 2012, waxa kale oo uu markhaati u noqday, in Xamar iyana dhinaceeda, yaqiinsatay in SL aysan toos u hoos iman iyada, laakiin keliya ay…

Continue Reading
Midowga Yurub Oo Qoraal Kasoo Saaray Xiisada Ka Aloosan Xuduuda Somaliya Iyo Kenya

Midowga Yurub Oo Qoraal Kasoo Saaray Xiisada Ka Aloosan Xuduuda Somaliya Iyo Kenya

March 14, 2020 Muqdisho (Cadceed) –Midowga Yurub ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayn sheegeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee dhowaan la geeyay gobolka gedo ay abuureen daganaansho la’aan iyo barakac ballaaran. Midowga Yurub wuxuu ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya hantidii iyo feejignaantii milatari ee la rabay in lagu wajaho howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda labada gobol ee shabbeele in loo leexiyay meel kale. Midowga wuxuu sheegay in wadashaqeyn buuxda loo baahan yahay in ay dhexmarto dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo sidoo kale wadashaqeynta gobolka. Waxa uu tilmaamay in Xalka ugu dambeeya uu yahay, in la dhiso ciidamada isku dhafka ah ee amniga Soomaaliya iyo in la abuuro jawi deggan oo awood u siinaya dhismaha dowladnimada iyo horumarka. “Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa inay sameeyaan wax kasta oo…

Continue Reading
Soomaalida Oo Lagu Bah-dilay Saami-qaybinta Kuraasta Baarlamanka Cusub Ee Itoobiya ( AKHRISO )

Soomaalida Oo Lagu Bah-dilay Saami-qaybinta Kuraasta Baarlamanka Cusub Ee Itoobiya ( AKHRISO )

March 14, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa shaaciyay jadwalka goob doorashooyinka baaralamaanka dowladda dhexe lagu soo galayo golaha shacabka dalkaasi iyo tirada ka imaneysa gobol walba. Xafiiska guddigaas ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu qabtay shirkii lagu shaacinayay goob doorashooyinka sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo, waxaana saamiyada gobollada ee la shaaciyey aad loogu bah-dilay Soomaalida. Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ee Itoobiya. Guddiga doorashada ayaa waxa uu shirkaasi ku soo bandhigay khariiddada goob doorashooyinka oo ka kooban 547 xubnood. Deegaannada sagaalka ah ee dalkaas iyo labada ismaamul magaalo ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen sida soo socota: Deegaanka Oromada: 178 kursi Deegaanka Amxaarada: 138 kursi Deegaanka Shucuubta Koonfureed: 123 kursi Deegaanka Tigreeda: 38 kursi Deegaanka Soomaalida: 23 kursi Deegaanka Bani-shangul: 9 kursi Deegaanka Canfarta: 8 kursi Deegaanka Gambeella: 3 kursi Deegaanka Harerida:…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading