Day: March 16, 2020

WAR DEG DEGA:- Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Ee Gobolka Sool Oo Caawa Lagu Dilay Laascaanood.

WAR DEG DEGA:- Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Ee Gobolka Sool Oo Caawa Lagu Dilay Laascaanood.

March 16, 2020 Laascaanood (Cadceed) –  Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Cabdikhani Guhaad Nuur ayaa lagu toogtay afaafka hore ee hoygii uu ka deganaa Magaalada Laascaanood, ka dib markii ay ku weerartay dabley aan heybtooda la aqoonsan. Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Laascaanood ayaa soo warinaya in Taliyaha uu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliye Guhaad uu gacanta ku hayay baaritaanka la xiriira, ciddii ka masuulka ahayd dilka Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud, ee 2dii bishan loogu gaystay Magaalada Laascaanood, ka dib markii qarax loogu soo xiray gaarigiisii. Somaliland ayaan wax war ahi ka soo saarin dilka caawa Magaalada Laascaanood loogu gaystay Madaxii Sirdoonka ee Gobolka Sool.     Cadceednwes Hargeysa

Continue Reading
Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay La Wareegaan Deegaanka Janaale

Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay La Wareegaan Deegaanka Janaale

March 16, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee DANAB iyo gor-gor ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaanka Janaale oo hoosyimaada degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose kaasi oo muddo ka badan 10 Sano ay ku sugnaayeen. 24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaannada ku dhow dhow degaanka Janeele,hayeeshee Saraakiil Ciidan ay sheegeen inay ugu dambeyn la wareegeen. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Millateriga ayaa u sheegay Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida in Ciidanka dowladda ay Gudaha u galeen degaanka Janaale,kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka Dowladda,isla markaana ay ka wadaan baaritaano amniga la xiriira. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Al-Shababa ay goobaha qaar ku aaseen miinooyin,hayeeshee howlgallo ay sameeyeen ay ku soo saareen miinooyinkaas. Tal

Continue Reading
Sida lagu garto Coronavirus iyo sida looga hortagi karo

Sida lagu garto Coronavirus iyo sida looga hortagi karo

Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalal badan oo caalamka ka mid ah, ayada oo la xaqiijiyey in ka badan 5,000 oo qof oo cudurkaas u geeriyooday. Cudurkan ayaa sidoo kale soo gaaray dalka Soomaaliya, ayada oo dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah. Haddaba waxa uu yahay cudurkan, sida uu ku faafo i

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading