Day: March 17, 2020

Jilaa Caan Ah Oo Qaba Gabadh Soomaaliyeed Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

Jilaa Caan Ah Oo Qaba Gabadh Soomaaliyeed Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus

March 17, 2020 London (Cadceed) – Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain qabana gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saabiriina Dhoore ayaa xaqiijiyay in laga helay cudurka Caronavirus kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay. Muuqaal uu jilaaga soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku xaqiijiyay in laga helay caabuqa Caronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay, waxa uuna sheegay in hada xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay. Idiris Elba ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu hada ku jiro xaalad karantiil ah, waxa uuna xusay in  xaaskiisa Sabriina Dhawre aanan wali laga baarin cudurka Caronavirus isagoona xusay in xaaladeeda ay wanaagsantahay.” Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo” ayuu yiri Elba. Caabuqa Caronavirus ayaa kusii faafaya wadamo…

Continue Reading
Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed Oo Guddi U Magacaabay Ka Hortaga Cudurka Coronavirus ( SAWIRRO )

Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed Oo Guddi U Magacaabay Ka Hortaga Cudurka Coronavirus ( SAWIRRO )

Marcjh 17, 2020 Muqdisho (Cadceed) – Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Somali Medical Association ayaa iskugu yimid gelinkii dambe ee shalay kulan deg deg ah oo looga arinsanayey sidii dhaqaatiirtu ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka sida ba’an dunida ugu faafaya ee Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyey laga helay Soomaaliya. Waxaa kulankan ka soo qeyb galay xubno ka tirsan dowlada Somalia, danjireyaal, dhaqaatiir kala duwan iyo qeybaha bulshada, iyadoo dhaqaatiirta kulankan ka hadashay ay walaac ka muujiyeen kiiska cudurkan ee laga helay dalka, iyagoo shacabka iyo DF ugu baaqay in la muujiyo isku duubni iyo dedaal lagu yareynayo saameynta cudurkan. Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale ka waramay, halka uu ku yimid Viruska keena cudurkan, halista uu leeyahay, waxaa dhici kara haddii gudaha dalka uu ku faafo iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo, waxayna shacabka ugu baaqeen iney qaataan talooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira sida la isaga…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading