Day: March 18, 2020

DAAWO:-“Ballan Waxaan Ku Qaadaynaa In Aanu Garoowe Qabsanno” Faysal Cali Waraabe

DAAWO:-“Ballan Waxaan Ku Qaadaynaa In Aanu Garoowe Qabsanno” Faysal Cali Waraabe

March 18, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkeeda Puntland,halka uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaayey madal ay arday ku qalinjebinaysay ayaa wacad ku maray in aan mar danbe loo dul qaadin hagardaamooyinka iyo colaada ay wadda dawladda dhexe ee Soomaaliya oo adeegsanaysa Maamulka Puntland , waxana uu yidhi “Shalay waxay ku dhawaaqeen in dagaal lagu qaado Somaliland , ninka lahaa ha lagu duulo Somaliland waa nin reer Bo

Continue Reading
DAAWO:- Shirkii Beelaha Garxajis Iyo Habarjeclo Uga Socday Burco Oo Laga Soo Saaray Qodobo Lid Ku Ah Xukuumada Muuse Biixi

DAAWO:- Shirkii Beelaha Garxajis Iyo Habarjeclo Uga Socday Burco Oo Laga Soo Saaray Qodobo Lid Ku Ah Xukuumada Muuse Biixi

March 18, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Shirkii Beelaha Habar-jeclo iyo Garxajis uga socday magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay, iyadoona laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob. War-murtiyeedka ay Labada Beel soo saareen ayaa waxa si weyn uga dhex-muuqday cadaadis ay Xukuumada Muuse Biixi ku saarayaan heshiiskii ay xukuumadii ka horeysay ay la gashay Maamulka Khaatumo. Labada Beel ayaa soo jeediyay in waqtigan loo baahan yahay in Xukuumada Somaliland ay fulisay heshiiskii ay hore ula gashay Khaatumo. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in si wada-jir ah loo ilaaliyo qaranimada Somaliland iyo midnimadeeda, isla markaana dhinac looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeeleynaya. War-murtiyeedkaasi ayaa waxa kale oo lagu bogaadiyey Heshiiskii ay dhowaan Mucaaridka iyo Muuse Biixi ka gaadheen khilaafkii baahsanaa ee hadheeyay arrimaha doorashooyinka Somaliland. Waxayna Golaha Guurtida ugu baaqeen inay ansixiyaan Guddigii culimada ee Dastuuriga, iyagoona Golayaash u soo jeediyay inaysan marnaba ansixin xeerkasta oo…

Continue Reading
Ganacsatada Hargeysa oo looga digay inay ka faa’iideystaan Coronavirus

Ganacsatada Hargeysa oo looga digay inay ka faa’iideystaan Coronavirus

Iyadoo shalay Gudiddii Somaliland u saartay ka hortaga cudurka Coronavirus ay soo saareen go’aano lagu yareeynayo isu imaatinka bulshada, ayay qaar ka mid ah dhaqale yahanada ku nool magaalada Hargeysa uga digayaan inay ganacsatada inay ka faa’iideystaan fayruskan. Dhaqaalyahanada ayaa ka digay in ganacsatada ay isku dayaan inay kor u qaadaan badeecadaha daruuriga ah sida raashinka oo kale, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadu inay isha ku hayso arrimahan.

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading