Day: March 19, 2020

Masuul Xil Sare Ka Haya  Dowlada Federaalka Soomaliya Oo Kasoo Degay Hargeysa

Masuul Xil Sare Ka Haya Dowlada Federaalka Soomaliya Oo Kasoo Degay Hargeysa

March 19, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,ayaa waxa 15-kii Bishan aynu ku gudo jirno kasoo degay gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Waxaana la sheegay inuu isla 16-kii Bishaba uu Safar ku tagey magaalada Burco,oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo gudoomiyuhu. Warkani oo uu goordhawayd Baraha Bulshada ku baahiyay weriye Cali Xaraaro, ayaa uu intaasi ku daray inuu gudoomiye Cabdiraxmaan uu u fudaydiyay inuu Somaliland yimaado wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed. Ujeedada safarka gudoomiyaha Baanka dhexe ee Soomaliya ayaan wax faahfaahina laga hayn. Waxa xusid inay dhawaan Xukuumada Madaxweyne Muuse,ay Xaaran ku tilmaamtay tagitaan iyo ka imaanshaha Soomaaliya,si gaarana waxay farta ugu fiiqday dhinaca masuuliyiinta Cadceednews Hargeysa

Continue Reading
Somaliland Oo ka Hadashay Awooddii Ay Dawlada Somaliya Ku Celisay Diyaaradii Fly Dubai Ee Loo Diiday Inay Hargeysa Ka Degto

Somaliland Oo ka Hadashay Awooddii Ay Dawlada Somaliya Ku Celisay Diyaaradii Fly Dubai Ee Loo Diiday Inay Hargeysa Ka Degto

March 19, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Somaliland ayaa ka hadashay tallaabadii ay saaka Dowladda federaalku Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradii Fly Dubai ee qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Somaliland ayaa sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay. Maxamed Warsame Ducaale, oo Somaliland ay sheegto inuu yahay wakiilkeeda QM ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda federaalku ay ku wargelisay diyaarada Fly Dubai inaysan soo dagi karin madaarka Hargeysa. Danjire Maxamed Ducaale ayaa talaabadaasi ku micneeyay mid ay Villa Somalia ay ka leedahay beegsi cad oo loo jeedo. Sidoo kale waxa uu danjiruhu xusay inay waajib tahay in laga jawaabo wax uu ugu yeeray siyaasada argagixisinimo iyo mida dhaqaale ee aan qorsheyneyn ee ay wado Villa Somalia.…

Continue Reading
Xayiraada duulimaad ee Somalia oo dhaqan gashay

Xayiraada duulimaad ee Somalia oo dhaqan gashay

Soomaaliya waxaa maanta ka dhaqangalay go’aankii dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in dhammaan duulimaadyada caalamiga ee yimaada Soomaaliya la joojiyey. Illaa iyo hadda ma jiro wax diyaarado caalami ah oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maalin walba ay soo caga dhigan jireen diyaarado ka yimaada dalal kala duwan. Duulimaadyada aan magaalada iman waxaa ka mid ah kuwii keeni jiray qaadka ka yimaada dalka Kenya. Qaadka aan magaalada iman ayaa saameyn ku yeeshay dadkii ka ganacsan jiray iyo qaar

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading