Day: March 20, 2020

DAAWO:- Wasiiradii Dowladda Federaalka Uga Qeyb-galay Shirkii Garowe Oo Ka Hor-yimid Qaar Kamida Qodobadii Kasoo Baxay Shirka.

DAAWO:- Wasiiradii Dowladda Federaalka Uga Qeyb-galay Shirkii Garowe Oo Ka Hor-yimid Qaar Kamida Qodobadii Kasoo Baxay Shirka.

March 20, 2020 Garoowe (Cadceed) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ka qayb galay shirkii wada tashiga Garowe ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga maamulka Puntland. Shir jaraa’id oo uu wasiirka Arimaha Dibada Axmed Ciise Cawad ku qabtay Garowe, isagoo ay hareer fadhiyeen wafdiga dowladda federalka wuxuu caddeeyay in qodobada qaarkood loogu gafay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qeyb kamid ah. ‘Waxaan rabnaa inaan halkaan ka caddeyno inaan diidanahay ereyadii xanafta lahaa ee warmurtiyeedka ku jiray ee loo geystay dowlad goboleedyada qaarkood, kuwaas oo aan qeyb ka ahayd doodihii shirka,’ ayuu yidhi wasiir Cawad. Wasiirka arrimaha dibada wuxu sheegay inay sidoo kale diidan yihiin war murtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda federalka oo uu tilmaamay in aysan ka turjumayn hadal jeedintii iyo doodihii shirka. Dhinaca kale, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweeyay safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho iyagoo sheegay inay filayaan in lagusoo afmeero khilaafka…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading