Day: March 22, 2020

Coronavirus wuxuu dhigayaa miino siyaasadeed Aduunka!! W/Q: Khadar Ibrahim Aar,

Coronavirus wuxuu dhigayaa miino siyaasadeed Aduunka!! W/Q: Khadar Ibrahim Aar,

Faalo iyo aragti siyasadeed oo aan ka bixinaayo Xanuunkani Dunida ayamahan Saf-mareeyey ee Coronavirus, waxaan rajeyneynaa hadii aan Ilahay Dunida ka qaboojin sida ay hada wax u socdaan  in uu guuldarooyin siyasadeed uu u gaysan doono Dawladaha uu Xanuunkani ku badan yahay ama uu ku dhacay dadkooda. Waxkasta oo cusub oo Dunida kusoo biiraa waxa ay ka tagaan mahadhooyin iyo Halabuuris raad iyo waxyeelo siyasadeed oo aan hore loo arkin ,Sheekada ku saabsan Coronavirus sida uu hada ku bilaabmay ma kula tahay waa uu ku dhamaan doonaa,Fayraskan iyo Siyasiyiinta Dunida kuwooda ugu awooda wayn iyamaa guulaysan doona. Karaamada Siyasiyiinta, Fayrasyadu ma ixtiraamaan, maaha wax lala yaabo boorarta ka baxaysa  hoggaamiyeyaasha caanka  ah ee Dunida,taasoo ku saabsan Faafidda xanuunka  .Coronavirus waxay beddelkeeda samaysay  isku-xidhnaanta caalamiga ah ee maanta si dhan looga soo wada jeesto. Ingiriiska waxa uu dhamaan xidhiidhkii wada jirka kala noqday dawladaha Yurub,talaw ma ka ilaalin karaa UK  Fayrasyada…

Continue Reading
Iscaailaada Fadal Iyo Dildilaac Waddani By Mukhtar Cilmi

Iscaailaada Fadal Iyo Dildilaac Waddani By Mukhtar Cilmi

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato. Waxaa bilaambay dildilaac siyaasdeed xisbiga Waddani gudahiisa, waana sidii aan hore u sheegay muran dahsoona oo Xisbiga ka dhex jiray muddo, ducufka hogaaminta iyo hagida mabaadii’da siyaasadeed ee Xisbiga dhexdiisa?, maanta waxa iska casilay xisbiga siyaasi Dr. Maxamed cismaan fadal,wuxuuna ka gaabsaday in u runta sheego oo waddani yahay xisbi madhan oo cid gaar ahe wadato. Runtii xisbigan waxa waalay caruur yar yar oo kuraasta xafiisyadda xisbigan haawanaya kaga dhex shida qabyaaladnimo abuur aan dhagayn!,xisbigii waxay ka dhigtayn xamaasad cayda dawladda iyo shakhsi weeererka oo ah runti hindisaad xun oo meel gaadhsin karin siyaasadoodu!,wataa keentay in u siyaasi fadal cadeyay la shaqeynta dawlada oo diyaar u yahay.lkn anigu waxaan aaminsan yahay in siyaasi fadal u diyaar garobayo sanadka soo socda marka ururada lafuro oo iskaga baxo xisbigan daciifka ah. saaxada siyaasada somaliland tartankeedu waa mid furan mucaarad iyo muxaafidba ,waxa lagu tartamaana sidii bulshdda codkooda loo…

Continue Reading
Madaxweyne Muuse Biixi, Ha Ka La Doorto Raaligelinta Rodol Iyo Badbaadinta Aviationka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, Ha Ka La Doorto Raaligelinta Rodol Iyo Badbaadinta Aviationka Somaliland.

Markii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Muuse, waxa uu hay`ada cusub ee Duulista Hawada iyo Madaarada Somaliland u magacaabay Cabdi Maxamed Rodol oo ka mid ahaa dhalinyaradii lagu asaasay, isla markaana tiir dhexaadka u noqday shirkadii diyaaradaha ee Somali Airlines ilaa uu ka gaadhay Chief Pilot. Magacaabista Rodol oo dadka qaar yidhaahdaan waxa ay ku timid saaxiibtinimo ka dhaxaysay labada oday ilaa wakhtigii dawladii Siyaad Barre, halka dad kalena ay aaminsan yihiin inay ku timid abaal shakhsi ah oo la xidhiidha halgankii uu Muuse ku doonayey inuu ku hanto Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, anigu shakhsiyan, waxaan ka mid ahaa dadka sida weyn ugu farxay magacaabida Chiefka, aniga oo filayey inuu wax badan ku soo kordhin doono Aviationka Somaliland maadaama uu khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leeyahay hawlaha duulimaadyada madaniga ah. Hase yeeshee, waxay u eeg tahay in filashadaas lagu hungoobay! Maanta oo laga joogo 2 sanno…

Continue Reading
Itoobiya Oo Ka Dalbatay Somaliya Iyo Djibouti Inay Faahfaahin Ka Bixiyaan Qaraarka Jaamacadda Carabta Ee Itoobiya Lagu Cambaareeyay, Laguna Taageeray Masar

Itoobiya Oo Ka Dalbatay Somaliya Iyo Djibouti Inay Faahfaahin Ka Bixiyaan Qaraarka Jaamacadda Carabta Ee Itoobiya Lagu Cambaareeyay, Laguna Taageeray Masar

March 22, 2020 Addis Ababa (Cadceed) – Dawladda Itoobiya ayaa weydiisatay dalalka Soomaaliya iyo Djibouti inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray khilaafka Masar iyo Itoobiya ee webiga Niilka oo lagu garab istaagay Masar, laguna cambaareeyay Itoobiya. Labadan waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti oo saaxiib dhow la ah maamulka Raysalwasaare Abiye ee Itoobiya ayaa ka mid ahaa wadamada saxeexay ee u codeeyay qaraarkaas. Itoobiya oo ka cadhootay qaraarkaas ayaa  weydiisatay madaxda Djibouti iyo Soomaaliya inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Itoobiya lagu cambaareeyay iyo doorkii ay ku lahaayeen. Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya  Gedu Andargachew, oo u warramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in madaxda labada waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti ay Itoobiya soo gaadhsiiyeen dhambaalo ay ku sheegeen, inkastoo ay qayb ka ahaayeen qaraarkaas haddana ay u arkaan inaanu ahayn qaraar wax isu soo dhawaynaya. “Dhambaalo  aanu ka…

Continue Reading
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay khilaafaadka soo noqnoqda ee u dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan. Barnaamijka waxaa ku marti ah oo su’aalaha dhagaystayaasha qaar ee VOA ka jawaabaya Professor Afyare Cabdi Cilmi oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Qatar ee magaalada Dooxa. Sahra Cabdi Axmed a

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading