Day: March 23, 2020

Cirro Iyo Beesha Arab By Mukhtar Cilmi

Cirro Iyo Beesha Arab By Mukhtar Cilmi

asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.Caawa waxaan raba in aan iftiimiyo arin aan ilaa haatan caqliga saliimka ahe gali karin, waa kuraasta titalada xisbiga waddani 1. Gudoomiyaha 2. Gudoomiyaha ku meel gaadhka!! 3. Hogaamiyaha xisbiga !! Markan aan sharciga eego maba ahaa wax sharci ah in sadex title ay isku mid noqdan taasna waxay cadenaysa in xilka xil.cabdiqaadir jirde yahay mid aan jirin oo sharciga waafiqsanayn.Cirro waa nin danisi ah oo beenta ku dheer waxaana taas ku cadenaysa marku ku guuldaraystay doorashadii in u wareejin laha xisbiga siyaasi cabdilqaadir jirde oo kasoo jeeda beesha arab ee mudan. Shirweynihi burco ay waddani ku dhigtayn kumay soo darin ajandooyinkiisa wareejinta xisbiga wata keentay in u cabdil qaadir jirde aanu iman ba shirka oo halkaas cirro kaga baxay balan qaadkiisi beesha codka badan ka helay. Beenta iyo munaafaqdo jar bay kaa tuurta bal eeg kulmiye gudoomiye cosob bay dooran doonan halku weli cirro ku dhagsan…

Continue Reading
Soomaaliya Oo Go’aan Fulaynimo Ka Qaadatay  Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar

Soomaaliya Oo Go’aan Fulaynimo Ka Qaadatay Khilaafka Dowladaha Itoobiya Iyo Masar

March 23, 2020 Muqdisho (Cadceed) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay oo diiday qaraarkii ay horay u taageertay ee Jaamacadda Carabta, kaasoo loogu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo-xidheenka Webiga Nile kadib waraaq ay u dirtay Jaamacadda Carabta. Waraaqda ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay ka gaabsatay qaraarkaas ayna dhexdhexaad ka tahay, isla markaasna ay soo jeedineyso in khilaafka u dhaxeeyo dowladaha Itoobiya iyo Masar lagu xaliyo qaab wadahadal ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso  ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar. Waxaa uu sheegay wasiir Cawad in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid la safan tahay. “Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya…

Continue Reading
Itoobiya Oo Shaacisay Inay Xidhay  Dhamaan Xuduudaha Ay La Wadaagto Dalalka La Deriska Ah

Itoobiya Oo Shaacisay Inay Xidhay Dhamaan Xuduudaha Ay La Wadaagto Dalalka La Deriska Ah

March 23, 2020 Addis Ababa (Cadceed) –Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay in la xiray xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka deriska la’ah gaar ahaan kuwa dadka kasoo gala. Sababta loo xidhayo xuduudaha Itoobiya la wadaagto dalalka dariska ayuu sheegay inay tahay in la xakameeyo faafida Cudurka Coronavirus, waxaana Itoobiya ay Cudurkaas u qoondeysay lacag dhan 5 Bilyan oo Birr. Dhinaca kale dadka Itoobiya uga imaanaya dalalka kale ayaa waxaa lagu wargeliyay in la karantiili doono muddo 15-maalmood ah, isla markaana ay joogi doonaan skylight hotel iyo Ghiyon hotel. Dalka Itoobiya ayaa la helay dhowr ah oo uu ku dhacay Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilayo goob gooni ah, waxaana Itoobiya shalay ay deeq Caafimaad ka heshay dowlaha Shiinaha, waxaana kamid ah qalabka looga hortego Coronavirus.     Cadceednews Hargeysa

Continue Reading
Somaliland Oo Ka Hadashay Xaalada Dad Looga Shakiyay  Caabuqa Coronavirus Oo Maanta Hargeysa Lagu Karantiilay

Somaliland Oo Ka Hadashay Xaalada Dad Looga Shakiyay Caabuqa Coronavirus Oo Maanta Hargeysa Lagu Karantiilay

March 23, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay 16 ruux oo Maanta laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuwaasi oo yimid dalka dibadiisa, isla markaana looga shakiyay inay qabaan Cudurka Coronavirus. Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in 16 oo Soomaali ah oo looga shakiyay Corona lagu qabtay Hargeysa lana karantiilay. Waxaa uu sheegay Agaasime Xergeeye in baaritaankii ugu horreeyay ee COVID-19 lagu sameeyay, isla markaana aan laga heli wax Cudur ah, xili ay ka yimideen dalal uu ku saameeyay Coronavirus ayna xaaladooda wanaagsan tahay. Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkaas ay u hadhsan yihiin baadhitaano kale oo lagu sameeyn doono, isagoona xusay in hadii laga waayo wax cudur ah la fasixi doono. Ugu dambeyn Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay wado dadaalo badan oo looga hortego faafida…

Continue Reading
Ethiopia Airline Oo Maanta Mar Kale Soo Fadhiisatay Madaarka Hargeysa

Ethiopia Airline Oo Maanta Mar Kale Soo Fadhiisatay Madaarka Hargeysa

March 23, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Diyaarada Ethiopia Airline ayaa maanta 1:40 PM duulimaad rasmi ah ku timid madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa isla markaana rakaab ka qaadi doonta madaarka. Dhawaan ayay aheyd Markii warqad ay soo saartay dawlada Somaliya ku sheegtay inay diyaaraha caalamiga ah kaga joojisay dhamaan garoomada Somalia, taas oo ku eekeed maalintii Shalay aheyd . Dawlada Somaliya ayaa iyadu sheegata inay maamusho hawda dalkii la isku odhan jiray Somaliya

Continue Reading
Kenya oo amartay in la xiro goobaha cibaadada

Kenya oo amartay in la xiro goobaha cibaadada

Dawladda Kenya ayaa amartay in la xiro goobaha cibaadada ee dadka badan ay iskugu yimaadaan, si loo yareeyo fiditaanka xanuunka Coronavirus. Goobahaas waxaa ku jira kaniisadaha iyo maaajiddada iyo meelaha kale ee dadku iskugu yimaadaan, sida lagu sheegay amarka kasoo baxay dowladda. Kenya ayaa diiwaangelisay 15 xaaladood oo ah cudurka Coronavirus, waxaana laga cabsi qabaa inay kordhaan dad uu ku dhacay xanuunkan. Weriyaha VOA Intisaar S

Continue Reading
Pompeo oo dhex-dhexaadinaya Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah

Pompeo oo dhex-dhexaadinaya Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho aan la shaacin ku tagey Isniinta maanta ah magaalada Kabul, halkaasi oo la filayo inuu riixo wada hadalada nabadda ee Afghanistan iyo sidii xal loogu heli lahaa qalalaasaha siyaasadeed ka dib doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ee muranka dhalisay. Pompeo ayaa la kulmi doona Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ninka la tartamay ee ay is hayaan Abdullah Abdullah. Ghani ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay ninka ku guuleystay doorashadii dalkaasi, halka Abdullah uu ka dhiidhiyay natiijada. Labada mas’uul ayaa kiiba qabsaday xafladda dhaarta ee madaxweyninimada. Booqashada Pompeo ayaa timid maalin kadib markii Mareykanka iyo Qatar ay gacan ka geysteen in saraakiisha Afghanistan iyo Taliban ay wadahadal toos ah ku yeeshaan dhanka alladaha muuqaalka ee internet-ka. Zalmay Khalilzad, ergayga nabada ee Mareykanka ee Afghanistan, ayaa sheegay

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading