Day: March 24, 2020

Dowladda Somaliya Oo Shaacisay Inay Soo iibsatay Qalabka Lagu Baadho Covid-19

Dowladda Somaliya Oo Shaacisay Inay Soo iibsatay Qalabka Lagu Baadho Covid-19

March 24, 2020 Muqdisho (Cacdeed) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo taariikhdu tahay March 24, shaacisay inay soo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka Coronavirus oo dalal badan oo ku yaalla dunida fara ba’an ku haaya. Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga rasmiga ee Twitter-ka ee Telefashinka Qaranka ee SNTV ayaa lagu sheegay in Dowladda ay dalka keentay Shaybaarka Covid-19 oo ay soo iibsatay. Dowladda ma shaacin dalka ay kasoo iibsatay Shaybaarka lagu baaro Cudurka halista Coronavirus, kaasi oo ay u dhinteen in ka badan 10,000 oo Ruux, halka kumanaan kalena uu soo ritay. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaaan sheegtay in Magaalada Muqdisho laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus, kaasi oo ka yimid dalka dibadiisa, isla markaana dowladda ay ka

Continue Reading
Tababarihii Xulka Qaranka Somalia Oo Coronavirus Ugu Dintay Magalada London.

Tababarihii Xulka Qaranka Somalia Oo Coronavirus Ugu Dintay Magalada London.

March 24, 2020 London (Cadceed) –Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa Maanta ku geeriyoodey Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq),kaas oo siweyn looga yaqaaney Soomaaliya iyo Caalamka. Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo dad badan ay u dhinteen,isla markaana ugu dambeyn uu ku geeritoodey Isbitaal ku yaalla Magalada london. Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa Bilihii u dambeeyey waxaa uu ahaa falanqeeye Kubadda Cagta ah,isaga oo qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ka falanqeyn jirey Ciyaaraha. Dad u badan mas’uuliyiin ayaa ka tacsiyadeyey geerida Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq).     Cadceednews Hargeysa

Continue Reading
Dowlada Itoobaiya Oo Soo Saartay 7 qodob Oo Lagaga Hortegayo Coranavirus

Dowlada Itoobaiya Oo Soo Saartay 7 qodob Oo Lagaga Hortegayo Coranavirus

March 24, 2020 Addis Ababa (Cadceed) –Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qatey dhamaan Hay’adaha Amniga dalkaas,kaas oo looga hadlayay sidii loo xakameyn lahaa Cudurka Coronavirus oo dhibaatooyin badan ku haaya Caalamka. Kulanka ayaa waxaa laga soo saarey 7 Qodob oo looga hortagayo Cudurka,kuwaas la farey laamaha Amniga iyo Shacbaka ku nool Itoobiya,qodobadaas oo kala ah. 1: In Hay’adaha ammaanka Itoobiya joojiyaan Shirarka dadka badan ay ka qeyb-galayaan si dadka aysan usugu soo dhawaan. 2: In xisbiyada siyaasada, laamaha dawliga ah ay hirgaliyaan ineysan dadku isku soo dhawaan hadii ay shirayaan. 3: In Shaqaalaha dowladda la socdaan xaaladooda,sidoo kalena qaarkood loo ogolaadey inay Guryahooda ku Shaqeeyaan. 4: In Gaadiidka dadweynaha aan loo raaci karin si ciriiri ah oo dadka ay ku badan yihiin aan loo raaci karin cidii lagu arkana ay tallaabo ka qaadaan booliiska taraafikada. 5.In Tallaabooyin laga qaado ganacsatada qiimaha ku kordhiya…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading