Day: March 25, 2020

Turkiga oo 20 sacuudiyaan ah ku eedeeyay dilka wariye Khashoggi

Turkiga oo 20 sacuudiyaan ah ku eedeeyay dilka wariye Khashoggi

Dowladda dalka Turkiga ayaa dil ku eedeysay 20 ruux oo u dhashay dalkaasi Saciidiga kaddib dilkii magaalada Istanbul loogu geystay wariyihii sacuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi. Khashoggi ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2018 lagu shir-qoolay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaas oo ugu dambeyn lagu dilay, meydkiisana la waayay. Sacuudiga ayaa sheegay in uu cadaaladda la tiigsaday oo uu ciqaabay raggii ku lugta lahaa dilka Khashoggi, balse warkaasi kuma eysan qancin dowadda Turkiga oo iyana dhankeeda 20 ruux u eedeysay dilkaasi. Ragga ey dilka ku eedeysay dowladda Turkiga ayaa waxaa ka mid ah Taliye ku-xigeenkii sirdoonka dalkaasi Ahmed al-Assiri, iyo madaxii xiriirka boqortooyda Sacuudiga Saud al-Qahtani oo labaduba lagu eedeeyay in ay hagayeen dilka. Hay`adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa iyadana dhankeeda ku eedeysay amiirka talada dalkaasi haya Mohammed bin Salman in uu isaga amray in la fuliyo dilkaasi, walow uu eedeymahaasi iska diiday balse uu qirtay in uu isaga…

Continue Reading
Dhaxal-sugaha boqortooyada Ingriiska oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus

Dhaxal-sugaha boqortooyada Ingriiska oo uu ku dhacay cudurka Coronavirus

Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. “Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.”

Continue Reading
Maamulka gobolka Banaadir oo faah-faahin ka bixiyay qarax ka dhacay Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir oo faah-faahin ka bixiyay qarax ka dhacay Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla meel ku dhow Baar Bulsho ee nawaaxiga taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Cumar Xasan Saalax Dheere oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxaas uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, uuna isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. Waxaa uu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir in qaraxaas oo jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Caasimadda uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Saalax Dheere ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin 1 Qoys, isla markaana loo qaaday Xarun Caafimaad, hayeeshee markii la geeyay Isbitaalka ayaa waxaa geeriyooday 3 ka mid ah qoyska. “Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar…

Continue Reading
Guddoomiyihii Raaskambooni oo qaraxa lagu dilay

Guddoomiyihii Raaskambooni oo qaraxa lagu dilay

Inta la xaqiijiyey gudoomiyaha deegaanka Raaskambooni ee hoos yimaado degmada Badhaadhe ee gobolka Jubadda hoose iyo Afar qof oo kale ayaa ku geeriyoodey miino gaarigii way wateen kula qaraxdey xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Gudoomiye Cabdullaahi Diiiriye, saddex ilaaladiisa iyo darawalkiisa ayaa dhintey markii miinada oo dhulka la aasey ay haleeshay gaariga. Sarakiil booliis oo ku sugan magaaaladda Dhoobley ee Jubbadda Hoose ayaa VOA u xaqiijiyey weerarka iyo dhimashada gudoomiyaha Raaskaambooni, waxaana ay sheegeen in baaritaano wadaan wali oo ay beri ka jawaabi doonaan. Al-Shabaab

Continue Reading
Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Dhimashadii Ugu Horaysay Ee Coronavirus

Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Dhimashadii Ugu Horaysay Ee Coronavirus

March 25, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay qofkii ugu horreeyay ee gudaha dalkaas ugu dhintay cudurka safmarka ah ee Corona. Qofkan oo 51 jir ahaa ayaa markii hore kasoo safray dhinaca dalka Afqanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowladda Sucuudiga. Marka la eego dalalka ku yaalla Gacanka, Sucuudiga ayaa noqday dalka laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan ee cudurka Corona, waxaa soo raacay Iiraan, Talaadadii oo kaliya waxaa la xaqiijiyay 205 qof ee uu ku dhacay cudurka, guud ahaan tirada waxay noqoneysaa 767 kiisas. Waxay boqortooyada ku dhawaaqday tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid tahay banddow xilligga habeenkii l

Continue Reading
Kiisaska Coronavirus ee dalka Kenya oo kordhay

Kiisaska Coronavirus ee dalka Kenya oo kordhay

Waxaa kordhay kiisaska la xiriira cudurka Coronavirus ee laga diiwaan geliyey dalka Kenya, sida ay shaacisay dowladda. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in ilaa sagaal kiis oo hor leh oo cudurka Coronavirus ah la diiwaan-geliyey shalay, taasi oo tirada kiisaska dadka qaba xanuunkaasi ee dalkaasi Kenya ka dhigaysa ilaa 25. Dowladda Kenya ayaa sidoo kale baaritaano ku wada dad boqolaal gaaraya oo looga shakisan yahay xanuunka, waxaana suurta-gal ah in tirada ay kororto. Dhinaca kale, ragga Soomaalida ee Iskaabulada ah ee ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inuu saameeyay go’aanadii ay dowladda Kenya dhowaan ku xidhay xarumihii makhaayadah

Continue Reading
More Posts