DAAWO:- Maraykanka Oo Si Kulul Uga Hadlay  Ciidamada Dowladda Federaalka Ay Geysay Gobolka Gedo

DAAWO:- Maraykanka Oo Si Kulul Uga Hadlay Ciidamada Dowladda Federaalka Ay Geysay Gobolka Gedo

Feb 25, 2020 Newyork (Cadceed ) –  Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, halkaas oo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ay ka jeediyeen khudbado ay kaga warramayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee dalka. y Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi. Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo. “Ciidamada milateriga…

Continue Reading
Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Warbixin Ku Saabsan Amaanka Somaliya Iyo Doorashooyinka

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Warbixin Ku Saabsan Amaanka Somaliya Iyo Doorashooyinka

Feb 25, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Kulan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin,Siyaasadda,Amniga iyo doorashada la filayo inay dhacdo 2020 2021. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka waxaa uu u gudbiyey warbixin ku saabsan geedi socodka Ammaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka Soomaaliya. Khudbad Dheer euu Amb, James Swan ka jeediyey Kulanka gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay in la meel mariyo hanaanka doorashooyinka ,isla markaana Qaramada Midoobey ay taageero ku siineyso. “Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya…

Continue Reading
Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo

Idaacadda Subaxnimo ee Saaka iyo Caalamka waxaad ku maqashaa wararkii habeenimadii xalay ka dhacay Soomaaliya iyo waliba caalamka, barnaamijyo, wareysi xiiso leh, ciyaaraha, dhanbaallada dhagaystayaasha iyo waliba wargeysyada caalamku waxay saaka ku waabarii

Continue Reading
Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Madaxii Shirkadda Hormuud Ee Degmada Jilib.

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Madaxii Shirkadda Hormuud Ee Degmada Jilib.

Feb 24, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkadda Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilliga la duqeynayey ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Maamulka shirkadda Hormuud oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday. Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lamana oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad, iyadoo War horey uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sheegay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo shirkaddan ay tahay mida ugu weyn Somalia ee

Continue Reading
“Waxaan Wasiir Ka Ahay Wasaaraddii Aan Waardiyaha Ka Ahaa” Saleebaan Cali Koore

“Waxaan Wasiir Ka Ahay Wasaaraddii Aan Waardiyaha Ka Ahaa” Saleebaan Cali Koore

Feb 24, 2020 Hargeysa (Cadceed)   – Marka la eego hannaanka siyaasadda ee Soomaalida, way adag tahay in dadka shaqooyinka hoose haya sida waardiyeyaasha oo kale ay maqaam sare ka gaaraan siyaasadda, balse ma adko in qofka uu ka meelgaaro hammigiisa. Taariikh noolaleedka iyo qaabka uu ku gaaray maqaamka siyaasadeed ee maanta uu joogo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland, Suleymaan Yuusuf Koore ayaa ka duwan sida ay dad badan u haystaan. Suleymaan waxaa uu sanadkii 1984 waardiye ka ahaa xarunta raadiyo Hargeysa oo hadda ay ku taallo wasaaradda warfaafinta ee Soomaliland. Wasiir Suleymaan oo sanadkii 1984 ay da’diisu ahayd 18 sano jir ayaa markii uu ka qallin jabiyay dugsiga sare ayaa waxaa uu ka qeybgalay barnaamijkii la oran jiray shaqo qaran, kaas oo ardayda la gellin jiray mudo laba sano ah kahor inta aysan shaqo billaabin. “Shaqadii qaranka ayaa la igu soo qoray…

Continue Reading
More Posts