Calanka News

Dalka Thailand oo ilaa ilmaha dhalanaya loo xirayo maasko ka difaacaya cudurka coronavirus

Dalka Thailand oo ilaa ilmaha dhalanaya loo xirayo maasko ka difaacaya cudurka coronavirus

Awaamiirta ay soo saartay dowladda Thailand ee ku aadan sida ay bulshada uga hortagayaan cudurka coronavirus ayaa ah kuwo aad u adag oo saameyanaha ilaa ilmaha dhalanaya. Iyadoo dadka horay loogu baaqay in ay xirtaan maasgarada sanka iyo afka ayaa waxaa iminka lasoo rogay in iyana maasko loo xiro carruurta dhalaneysa. Raiisal wasaaraha dalkaasi Prayuth Chan-ocha ayaa yiri, waxaan xoogga saareynaa caafimaadka iyo xornimada caafimaad, waxaana dalka oo dhan ka jira bandow shaqeeya habeenkii saacadda 22.00 ilaa 04.00 subaxnimo. Bandowgan ayaan saameyneynin dadka ka shaqeeya caafimaadka ama kala gudbinaya agabka caafimaadka. Thailand ayaa waxaa laga helay cudurka coronavirus dad gaaraya 2.423, waxaana ilaa iyo iminka u geeriyooday 32 ruux. The post Dalka Thailand oo ilaa ilmaha dhalanaya loo xirayo maasko ka difaacaya cudurka coronavirus appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Bernie Sanders oo ka haray tartanka ololaha doorashada dalka Mareykanka

Bernie Sanders oo ka haray tartanka ololaha doorashada dalka Mareykanka

Senator Bernie Sanders oo ahaa musharrax u ordayay magacaabista xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka. Go’aanka Sander ayaa waxa uu ka dhiggan yahay in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu noqonayo musharaxa la baratami doona Madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 3-da bisha November ee sanadkan.“Waddada guushu waa mid aan macquul aheyn,” ayuu Sanders ku yiri khudbad dhanka internet si toos ah looga daawanayay oo uu ugu talogalay taageerayaashiisa isaga oo ku sugnaa magaalada Burlington, ee gobolka uu senate-ka ku matalo ee Vermont.“Waxaan ku soo gunaanaday in dagaalkan magacaabidda musharaxa xisbiga dimoqraadiga uusan noqoneynin mid guuleysta. Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan joojiyay ololahayga,” ayuu yiri.Sanders oo ah 78 jir isku tilmaama Dimuqraadi, hanti wadaag ah ayaa hogaaminayay codbixintii ugu horreeyey ee dhowr gobol oo Mareykanka ah ay ku dooranayeen musharaxa xisbiga Dimuqraadiga. Laakin…

Continue Reading
Cudurka coronavirus oo dhimashadii ugu horreysay ku galaaftay magaalada Muqdisho

Cudurka coronavirus oo dhimashadii ugu horreysay ku galaaftay magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus ay ka dhacday magaalada caafimadda ah ee Muqdisho. Wasiiradda caafimaadka dawdlada federalka soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in qof la xanuunsanaa coronavirus uu ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Qofka geeriyooday waxuu ahaa Muwaadin soomaaliyeed oo 58 jir ah, ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini. Shalay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo uu ku xanuunsaday. Waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan. Waxay sidoo kale Wasiiradda sheegtay in 4 kiis oo cusub oo coronavisus ah la diiwaan galiyay. Tirada guud ee cudurkan ee Soomaaliya ayaa hadda noqotay 12. The post Cudurka coronavirus oo dhimashadii ugu horreysay ku galaaftay magaalada Muqdisho appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Dowladda Imaaraadka oo agab caafimaad gaarsiisay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe

Dowladda Imaaraadka oo agab caafimaad gaarsiisay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe

Diyaarad sida gargaar caafimaad ayaa maanta ka degtay garoomada diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo Hargeysa ee maamullada Puntland iyo Somaliland. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gargaarkan caafimaad ugu deeqday maamulladaasi, waxaana gargaarka ku jira qalab caafimaad oo uu kamid yahay sheybaarka lagu baaro cudurka halis ah ee Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaaraadka ay Puntland ugu deeqday sheybaarka lagu baaro dadka looga shakiyo astaamaha cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa Imaaaraadka kala wareegay qalabkaas muhiimka ee loogu deeqady, isagoo ugu mahadceliyay dowladaas. Dhanka kale Somaliland ayaa iyana Imaaraadka uga mahadcelisay deeqdan, waxaana ay sheegeen in ay ka heleen xilli loo baahnaa. The post Dowladda Imaaraadka oo agab caafimaad gaarsiisay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Trump oo ugu hanjabay hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO in uu dhaqaalaha ka jarayo

Trump oo ugu hanjabay hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO in uu dhaqaalaha ka jarayo

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu ka jarayo dhaqaalaha uu siiyo hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO sababo la xiriira wax-ka-qabasho la`aanka cudurka coronavirus. Trump ayaa ku eedeeyay WHO gaabis dhanka cudurka coronavirus islamarkaana ay xilli dambe ku dhawaaqday in cudurkani yahay halis dunida soo food-daartay. Mareykanka ayaa ah waddanka dhaqaalaha ugu badan siiyay hay`adda WHO oo Qaramada mudoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka. ” – Waxa ay galeen khalad, waxaana aaminsanahay in ay ogaayeen laakiin ay ka gaabiyeen. Waana baareynaa arintaasi”, sidaa waxaa shir jaraa`id ku yiri madaxweyne Trump. Madaxweyne Trump ayaa qudhiisa lagu eedeeyay in uusan si dhab ah u qaadan khatarta cudurka coronavirus xilli hore. The post Trump oo ugu hanjabay hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO in uu dhaqaalaha ka jarayo appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Macallinkii kamanka Xudeydi oo London ugu geeriyooday cudurka coronavirus

Macallinkii kamanka Xudeydi oo London ugu geeriyooday cudurka coronavirus

Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Sida ay BBC-da u xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba. Ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi. Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha…

Continue Reading
US: Madowga Mareykanka oo u badan dadka uu ku dhacayo, una dhimanaya cudurka coronavirus-ka

US: Madowga Mareykanka oo u badan dadka uu ku dhacayo, una dhimanaya cudurka coronavirus-ka

Tirokoob ay soo saareen saraakiisha caafimaadka ee magaalada Chicago ayaa hoosta looga xarriiqay sare u kaca dhimashada dadka Mareykanka madow ah ee uu dilay coronavirus. Madowga reer Chicago ah waxay kala bar ka yihiin tirada kiisaska coronavirus, halka dhimashadana ay ka yihiin 70%, iyagoo xitaa looga tiro badan yahay halkaas oo shacabka guud ka ah 30%. Magaalooyinka kale ee ay ku nool yihiin dadka madow ee faraha badan sida; Detroit, Milwaukee, New Orleans iyo New York ayaa saldhig u noqday cudurka coronavirus. Mareykanka ayaa laga soo tabiyay ku dhawaad 370,000 oo kiis iyo dhimasho gaareysa 11,000. Caalamka oo dhan waxaa laga soo tabiyay 75,000 oo dhimasho iyo isku darka kiisas ka badan 1.3 milyan. Markii ay taariikhdu ahayd 5 April, ilaa 1,824 qof oo madow ah ayaa ka mid ahaa kiisaska cudurka Covid-19 ee tiradoodu tahay 4,680 ee laga xaqiijiyay magaalada Chicago, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen maalintii Isniinta. Tiradaas waxay aad…

Continue Reading
BRITAIN: R/wasaare Boris Johnson oo loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus

BRITAIN: R/wasaare Boris Johnson oo loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus

Ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus ee cisbitaalka, ka dib markii astaamahii xanuunka ‘coronavirus’ ee lagu arkay ay ka sii dareen sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Downing Street . Afhayeen u hadalay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad . Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah . Ra’iisul wasaraha oo da’diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona. Boqoradda ayaa si taako taako ah loola socodsiinayay hadba halka ay marayso xaalada Mr. Johnson sida laga soo xigtay aqalka boqortooyada UK ee Buckingham Palace. Qoraal ka so baxay aqalka boqortooyada ayaa…

Continue Reading
MADAXWEYNE QOOR-QOOR: ” – Ninkii ugu muhiimsanaa Galmudug ee Xaaf, maanta ayuu u tanaasulay deegaankiisa

MADAXWEYNE QOOR-QOOR: ” – Ninkii ugu muhiimsanaa Galmudug ee Xaaf, maanta ayuu u tanaasulay deegaankiisa

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamul goboleedka uu hadda mdaxweynaha ka yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Tallaabada Xaaf ayaa ka dambeysay markii uu baddalay go’aankii uu ku qaaddacay maamulka ay dowladda Dhexe taageersan tahay ee laga dhisay Dhuusamareeb, isagoo ugu dambeyntii aqoonsaday madaxweynaha lagu baddalay. Xaaf ayaa mar uu ka hdlayay munaasabaddii lagu soo dhaweynayay sheegay in Galmudug “ay hadda wixii ka dambeeya mid noqotay”. Dad badan ayuu ka qosliyay markii uu majaajilo ka dhigay khilaafkii lagu kala irdheysnaa. “Maanta runtii waa maalin qiimo badan u leh Galmudug. Khilaafku waa fidno, fidnaduna waxay ka daran tahay dilka. Wax badan ma aannaan maqneyn, xoogaa yar bay ahayd oo kululeysi ah, haddana odaygii wuu tanasulaye waa la tuuray yaan la oranin,” ayuu yiri Xaaf. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa uu sameyn doono, maadaama uu…

Continue Reading
Taliban warn deal with US in Afghanistan near breaking point

Taliban warn deal with US in Afghanistan near breaking point

The Taliban has said the deal with the United States aimed at bringing peace to Afghanistan was nearing a breaking point, accusing Washington of violations that included drone attacks on civilians, while also chastising the Afghan government for delaying the release of 5,000 Taliban prisoners promised in the agreement. The Taliban said it had restricted attacks against Afghan security forces to rural outposts and had not attacked international forces or Afghan forces in cities or military installations. The group warned of more violence if the US and the Afghan government continue alleged violations of the deal, adding that continued violations would “create an atmosphere of mistrust that will not only damage the agreements, but also force mujaheddin to a similar response and will increase the level of fighting”. “We are seriously asking the Americans to abide by the contents of the agreement and to alert their allies to fully abide by the agreement,” the…

Continue Reading
Madaxweyne Qoorqoor iyo Xaaf oo ku kulmay duleedka Godinlabe, kuna soo jeeda Dhuusamareeb

Madaxweyne Qoorqoor iyo Xaaf oo ku kulmay duleedka Godinlabe, kuna soo jeeda Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa duleedka deegaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Xaaf ayaa gelinkii dambe ee shalay kasoo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, isagoo xalay ku hoyday deegaanka Godinlabe, waxaana maanta halkaas ugu tegay madaxweyne Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Madaxweyne Qoorqoor iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saacadaha soo socda yeelan doona kulamo, kuwaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xalinta cabshooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb. Sidoo kale wafdiga uu hogaaminayo Xaaf oo ay kamid yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda Galmuduga ayaa kasoo ambabixi doona deegaanka Godinlabe, iyagoona soo aadaya Magaalada Dhuusamareeb. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo halkaas ka maqnaa bilihii u dambeeyay. The post Madaxweyne Qoorqoor iyo Xaaf oo ku…

Continue Reading
Shabeel ku jira carwo ku taal  magaalada New York oo laga helay cudurka coronavirus

Shabeel ku jira carwo ku taal magaalada New York oo laga helay cudurka coronavirus

Shabeelkani Dhiddiga ah oo dad’diisa lagu sheegay 4 sano islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx. Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqonaya Xayawaankii ugu horeeyay ee laga helo caadurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca. Saraakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baaritaankan lagu xaqiijiyay Shey-baar ku yaalla Iowa. Nadia, iyo 6 xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta. Shabeelkan ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka sida qufac qalalan dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay. “Waa markii ugu horeysay guud ahaan caalamak ee la ogaaday in qof xanuunsan cudurkii hayay uu u gudbiyo xayawaan,” ayuu yiri Paul Calle, oo ah madaxa beertaasi oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters. Waxaa uu intaa ku daray in uu doonayo in macluumaadka uu la wadaago xarumaha cilmi-baarista ee…

Continue Reading
Ra`iisul waasaaraha dalka Ingiriiska oo isbitaal loo dhigay cudurka coronavirus dartiis

Ra`iisul waasaaraha dalka Ingiriiska oo isbitaal loo dhigay cudurka coronavirus dartiis

LONDON, ENGLAND – MARCH 17: British Prime Minister Boris Johnson gives a press conference about the ongoing situation with the coronavirus (COVID-19) outbreak inside 10 Downing Street on March 17, 2020 in London, England. For most people, the new coronavirus causes only mild or moderate symptoms, such as fever and cough. For some, especially older adults and people with existing health problems, it can cause more severe illness, including pneumonia. (Photo by Matt Dunham – WPA Pool/Getty Images)Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street. Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen sidoo kalana waxaa sare u kacay heerkulkiisa. Raysal Wasaaraha ayaa weli mas’uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska…

Continue Reading
Dalka Ecuador oo meydadka dadka u geeriyooday cudurka coronavirus oo ay dariiqyada daadsan yihiin

Dalka Ecuador oo meydadka dadka u geeriyooday cudurka coronavirus oo ay dariiqyada daadsan yihiin

Qeyladhaan baahsan ayaa waxaa ay kasoo yeereysaa dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka caalamka ee uu cudurka coronavirus aadka u saameeyay, waxaana iminka soo shaac-baxaya muuqaalada meydadka dadka u geeriyoonaya cudurkaasi oo waddooyinka daadsan. Dowladda ayaa u taagweysay maareynta meydadka, oo waxaa buux-dhaafay isbitaalladii, qabuurayaasha iyo goobaha kale ee lagu maareeyo meydadka. Magaalada ugu weyn ee dalkaasi ee Guayaquil ayaa waxaa ka taagan cakirnaanta ugu weyn, waxaana dadka magaaladaasi eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan meydadka waddooyinka qaar yaalla ee aan cidi daneyneyn. Sidoo kale dadka ayaa guryaha ku gaysta meydad u geeriyooday cudurka coronavirus oo eysan garaneyn sida ay ka yeelayaan. The post Dalka Ecuador oo meydadka dadka u geeriyooday cudurka coronavirus oo ay dariiqyada daadsan yihiin appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
TRUMP: ” – Waxaan ku jirnaa isbuuca ugu dhimashada iyo faafka badan ee cudurka coronavirus”

TRUMP: ” – Waxaan ku jirnaa isbuuca ugu dhimashada iyo faafka badan ee cudurka coronavirus”

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu dadka dalkiisa uga digay inay isu diyaariyaan sare u kac ku yimaada dhimashada ka dhalanaysa cudurka coronavirus, isagoo sheegay in Mareykanku uu wajahayo labadii todobaad ee ugu adkeyd ee cudurkan safmarka ah. Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in magaalada New York loo daadgureynayo kun ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ah ee ciidammada milateriga, magaaladaas oo uu fara ba’an ku hayo cudurkaasi. Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo waddankaasi Mareykanka ayuu Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay amartay in la sameeyo 180 milyan oo waxlaha afka lagu xirto ah. Gobolka New York ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 630 kiis oo dhimasho ah taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 3,565 qof. Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in tirada ay sare uu sii kici karto labada toddobaad ee socota. Mr Cuomo ayaa sheegay…

Continue Reading
Halgamaa soomaaliyeed oo cudurka coronavirus ugu geeriyooday magaalada London

Halgamaa soomaaliyeed oo cudurka coronavirus ugu geeriyooday magaalada London

Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa waxaa maanta cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday halgamaa Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallintii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka coronavirus oo kusii faafaya caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 60 kun oo qof. Geerida Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Marxuumka uu kamid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka nool raggii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Dalka Ingiriiska ayaa cudurka coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor isna ku geeriyooday magaalada London. Dhanka kale wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiis xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle…

Continue Reading
LONDON: Soomaaligii ugu da`da yaraa ee u dhinta cudurka coronavirus oo la aasay isagoo aan qoys iyo qaraabo la jirin

LONDON: Soomaaligii ugu da`da yaraa ee u dhinta cudurka coronavirus oo la aasay isagoo aan qoys iyo qaraabo la jirin

Waxaa shalay xaafadda Brixton ee koonfurta magaalada London lagu aasay Ismail Mohamed Abdulwahab oo 13-jir ahaa kaas oo u geeriyooday cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya caalmka. Wiilkan yar oo asal ahaan soomaali ah ayaa lagu sheegay ruuxa ugu da`da yar ee cudurka coronavirus ugu geeriyooda dalka Britain. Dhacdada xanuunka badan ee warbaahinta ku baahday ayaa ah sawirrada duugta wiilkan oo ay aasayaan dhowr ruux oo xabaasha lagu aasay ka shaqeysa, waxaana loo diiday duugtiisa in ay ka qeyb-galaan qoyskiisa. Hooyadiis iyo dhowr labo carruur ah oo la dhashay ayaa lasheegay in ay ku karantiileysan yihiib goob la geeyay kadib markii labada carruur ee la dhashay laga helay isla cudurka uu u dhintay walaalkood ee coronavirus. Wiilkan ayaa lagu aasay qabuuraha Eternal Gardens ee Chislehurst, waxaana dadkii aasayay ay wateen qalabka la isaga difaaco bakteeriyada cudurada. Marxuum Ismaaciil ayaa cudurka coronavirus lagu arkay 23. maarso, waxaana la dhigay cusbitaalka…

Continue Reading
Anguish as Sri Lanka forces Muslims to cremate COVID-19 victims

Anguish as Sri Lanka forces Muslims to cremate COVID-19 victims

The forced cremation of two COVID-19 infected Muslims in Sri Lanka has sent shock waves among the minority community, which accused the authorities of violating Islamic burial rites. Bishrul Hafi Mohammed Joonus, a 73-year- old  man from the capital Colombo who died of COVID-19, was the second Muslim to have been cremated in the Indian Ocean island nation, which has registered 151 cases so far. Bishrul’s son Fayaz Joonus, 46, said his father who had a kidney disorder tested positive for the virus about two weeks ago. He died on April 1 and was cremated the following day. Fayaz said they could not perform congregational funeral prayers, called the Janazah, for his father due to fear of infections. “My father was taken in a vehicle under the supervision of the police force and was cremated. We did some prayers outside the morgue, but it was not a Janazah that us Muslim typically do,” Fayaz told Al Jazeera. “The government needs to…

Continue Reading
Madaxweyne Farmaajo oo cafis madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka

Madaxweyne Farmaajo oo cafis madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo ku jira xabsiyada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud. Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin. Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus. Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta…

Continue Reading
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo hal milyan kor u dhaaftay

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo hal milyan kor u dhaaftay

In ka badan milyan kiis oo xanuunka Corona ayaa guud ahaan dunida laga diiwaangeliyay sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Johns Hopkins. In ka badan 51,000 oo qof ayaa u dhimatay halka 208,000 oo qofna ay ka caafimaadeen Fayraska Corona, waa sida lagu sheegay tirakoobka Jaamacadda. Mareykanka ayaa hogaaminaya tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan, halka Talyaanigana uu majaraha u hayo tirada ugu badan ee u dhimatay Corona. Xanuunka Covid-19 ayaa markii ugu horreysay ka soo if-baxay bartamaha dalkaasi Shiinaha muddo haatan laga joogo 3 bilood. Inkastoo tirakoobka Jaamacadda Johns Hopkins lagu diiwaan geliyay milyan kiis, hadana waxaa la aaminsan yahay in tirada saxda ay intaasi aad uga sarreyso. Muddo bil iyo badh ah ayay qaadatay in la diiwaangeliyo 100,000 oo kiis, waxaana milyan qof oo qaba fayraska Corona la diwaangeliyay ka dib markii toddobaadkii la soo dhaafay ay tirada kiisaska xanuunkan saf-marka ay laba…

Continue Reading
Hay`adda sirdoonka NISA oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso wariye Haaruun Macruuf

Hay`adda sirdoonka NISA oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso wariye Haaruun Macruuf

Qoraal lagu daabacay bogga twitter-ka ee ha`adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ayaa lagu sheegay in ey talaabo sharci ah ka qaadeyso wariye Haarun Macruuf oo ka tirsan idaacadda VOA -da ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka . Qoraalka NISA oo koobnaa ayaa lagu yiri “NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka”. NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.— NISA (@HSNQ_NISA) April 2, 2020 NISA ma aysan faah-faahin xiriirada ay sheegeyso ee amniga khatarta ku ah ee uu wariye Haarun leeyahay . The…

Continue Reading
Lebanon to investigate Ghanaian domestic worker’s death

Lebanon to investigate Ghanaian domestic worker’s death

Lebanon’s labour ministry is investigating the death of Ghanaian domestic worker after an Al Jazeera investigation revealed she feared for her life because of alleged abuse by her employers. Faustina Tay was found dead in the early hours of March 14 in a car park under her employer’s fourth-floor home in Beirut’s southern suburbs. According to a forensic report, the cause of death was determined to be a fall from a high place. In the week leading up to her death, the 23-year-old sent dozens of desperate text messages and more than 40 minutes of voice notes to activists and her brother in Ghana. She said she was beaten up on at least four occasions by her employer Hussein Dia and Ali Kamal, the owner of domestic workers recruitment agency Al Kamal Trading and Services which brought her to Lebanon. Tay said Kamal assaulted her alongside an employee named Hussein. All three denied…

Continue Reading
SPORT: Ciyaaryahan hore Ronaldinho oo xabsiga lagu dhex garaacay

SPORT: Ciyaaryahan hore Ronaldinho oo xabsiga lagu dhex garaacay

Ronaldinho oo dunida caan ka noqday sannadkii 2002-dii islamarkaana soo ciyaaray 97 ciyaa, una dhaliyay xilkiisa qaranka Brazil 33 gool ayaa muddooyinkan dambe waxa uu ku jiray xabsi ku yaal dalka Paraguay halkaas oo isaga iyo walaalkiis loogu qabtay baasabooro bug ah. Laacibkan hore oo iminka 40-jirsaday ayaa tareenka ciyaaraka ka dhacay kadib markii ay soo food-saartay busaarad dhaqaale kadib markii ay dowladdu ku yeelatay lacago tiro badan oo canshuureed oo ay ugu dambeyn u xaraashtay xoolihiisa oo guryo u badnaa. Warar maalmahan soo shaac baxay islamarkaana ku faafay baraha bulshada iyo warbaahinta kale ayaa waxaa ay sheegayaan in Ronaldinho iyo saaxiibkii ay xabsiga ku dhex garaaceen tartan kubadeed labo nin kuwaas oo ka badiyay ciyaartii ay wada dheeleen. Shan bilood oo iminka soo socota ayaa la sheegayaa in ay kusii jirayaan xabsiga, isaga iyo walaalkii. Dad ku dhow-dhow laacibkan hore ayaa laga soo xigtay in uu ku dhex “wareersan”…

Continue Reading
Hay`adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty oo war kasoo saartay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Hay`adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty oo war kasoo saartay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bishii Febraayo dilay laba qof oo shacab ah islamarkaana dhaawacay saddex kale, waxaa sidaas bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Duqeyn labadii Febraayo ka dhacday magaalada Jilib ayaa lala beegsaday qoys cunteynayey, sida ay sheegtay Amnesty, waxaana halkaas lagu dilay Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo ahayd 18 jir, laguna dhaawacay laba gabdhood oo walaalaheed ka yar ah, oo da’deedu tahay 7 iyo 12 jir, iyo ayeydood oo 70 jir ah. Amnesty ayaa dhacdadadn kasoo xigatay aabaha Nuurto, oo goobjoog u ahaa weerarka, balse aan lagu dhaawaciin. Maxamed Cumar Abuukar, oo ah wiil ay dhashay haweeneyda 70 jirka ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in qoyskiisa ay burburisay duqeynta. Duqeyn kale oo 24-kii Febraayo ka dhacday xaafadda Kumbarere, oo 10 km waqooyi ka xigta magaalada Jilib, ayaa lagu dilay Maxamuud Salaad Maxamuud, oo ahaa aabe 53 jir ah…

Continue Reading
Dowladda oo kordhisay xayiraadda cudurka coronavirus ee saaran dalka

Dowladda oo kordhisay xayiraadda cudurka coronavirus ee saaran dalka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo. Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu  ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wasaaradda maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19 Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la…

Continue Reading
BAYDHABO: Danjire Fiqi oo ku guuleeystay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur-galbeed

BAYDHABO: Danjire Fiqi oo ku guuleeystay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur-galbeed

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye u doortay Dr. Cali Saciid Fiqi , ka dib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo. Kulanka oo ay soo xaadireen 93 xildhibaan ayaa waxay 83 ka mid ahi codkooda siiyeen Ambassador, Cali Siciid Fiqi, halka murashixii la tartamayay ee Xildhibaan, Maxamed Cabdiraxmaan uu helay laba cod oo keliya, iyadoo 8 kalena ay hallowday. Dr, Cali Saciid ayaa horay usoo noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, waxa uuna xilka maanta loo doortay hayn doona afarta sano ee soo socota. The post BAYDHABO: Danjire Fiqi oo ku guuleeystay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur-galbeed appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo ku geeriyooday magaalada London

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo ku geeriyooday magaalada London

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada London, sida uu wilkiisa xaqiijiyay. Marxuum Nuur Cade ayaa u geeriyooday cudurka faraha ba`an ku haya caalamka ee Coronavirus kaas oo uu muddinkii u dambeeyay uu isbitaal la jiifay. Nuur Cadde ayaa waxaa loo magacaabay ra’isulwasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo . Waxaa uu ra’iisul wasaare ahaa tan iso 2009-kii, Nuur Cadde inta aanu noqon ra’siulwasaare waxaa uu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. The post Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo ku geeriyooday magaalada London appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Trump warns of ‘very painful’ weeks ahead

Trump warns of ‘very painful’ weeks ahead

President Donald Trump warned Americans to brace for a “hell of a bad two weeks” ahead as the White House projected there could be 100,000 to 240,000 deaths in the U.S. from the coronavirus pandemic even if current social distancing guidelines are maintained. Public health officials stressed Tuesday that the number could be less if people across the country bear down on keeping their distance from one another. “We really believe we can do a lot better than that,” said Dr. Deborah Birx, the coordinator of the White House coronavirus task force. That would require all Americans to take seriously their role in preventing the spread of disease, she said. Added Dr. Anthony Fauci, the government’s top infectious disease expert, “This is a number that we need to anticipate, but we don’t necessarily have to accept it as being inevitable.” Trump called it “a matter of life and death” for…

Continue Reading
UN appeals to all Somalis to ‘come together’ in fight against COVID-19

UN appeals to all Somalis to ‘come together’ in fight against COVID-19

“The UN family in Somalia stands shoulder-to-shoulder with the people of Somalia during this testing time”, UN Special Representative for Somalia James Swan underscored in a press statement. He assured that UN would continue its support in tackling the immediate health and long-term socio-economic impact of the coronavirus, paying particular attention “to the most vulnerable”, including internally displaced people, the infirm and the elderly. “The United Nations appeals to everyone in Somalia to come together in this fight against the pandemic”, said Mr. Swan, echoing the Secretary-General’s call for “an immediate global ceasefire to put aside violence, mistrust, hostilities and animosity, and to focus on battling the virus, not each other”. “So that all resources and support can be channeled to fight the COVID-19 pandemic”, he called, on behalf of the UN, “for a cessation of acts of violence and terrorism”. Containing the virus To reinforce federal and state level efforts to contain and…

Continue Reading
Sacuudiga oo xujeyda sannadkan ku wargeliyay in ay u “yara sugaan” qorshohooda xajka

Sacuudiga oo xujeyda sannadkan ku wargeliyay in ay u “yara sugaan” qorshohooda xajka

Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay baaq ku socda xujeydan sannadkan qorsheyneysa in ay soo xajiyaan, waxaana ay ku wargelisay in ay ” u yara sugaan” qorshohooda xajka inta laga ogaanayo meesha uu ku dambeyn doono cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya caalamka. Wasaaradda xajka iyo cumrada dalka Sacuudiga oo xalay ogeysiiskan kasii deysay taleefishinka qaranka dalkaasi ayaa sheegtay in ay u cabsaneyso in cudurkani uu ku faafo goobaha barakeysan ee Mekka iyo Madina, sidaas darteedna laga war-sugo ilaa iyo amar dambe. Horraantii bisha Maarso ayay aheyd markii ay dowladdu gebi ahaanba laashay cumradii dalkaasi loo aadi jiray sababo la xiriira cudurka coronavirus. In ka badan 2.5 million oo dad ah ayaa sannad kasta xaj iyo cumro u aada magaalooyina Mekka iyo Madina, waxaana ay dadkaasi ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Sacuudiga. ” – Waxaan u diyaarsanahay in aan u adeggno xujeyda, laakiin marxaladdan lagu jiro…

Continue Reading
Soomaaliya oo laga cafiyay deyn gaareysa 1.4 bilyan oo doollar

Soomaaliya oo laga cafiyay deyn gaareysa 1.4 bilyan oo doollar

Wadamada bixiya deymaha ee ku midaysan ururka Paris Club ayaa isku raacay inay Soomaaliya ka cafiyaan deyn dhan 1.4 bilyan oo doolar. Go’aankan ayaa Soomaaliya u suuragalinaya in ay raadsato ilo dhaqaale oo cusub taasi oo gacan ka gaysan doonta dib uga soo kabashada Soomaaliya 30 sano oo dagaal sokeeeye ah. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr Abdirahman Beyle ,ayaa soo dhaweeyay go’aanka Soomaaliya looga cafinayo sadax meelood meel deyntii dibadaha looga lahaa. Wasiirka ayaa intaa ku daray in arrintan ay tahay tallaabo uu dalkiisa horey u qaaday islamarkana uu so dhaweynayo. “Waxaan wadaxaajood mira dhal ah la yeelanay wadamada ku bahoobay Paris Club waana soo dhaweynaynaa taageeradooda ay nooga cafiyeen deyntii ay nagu lahaayeen ,” waxaa u wasiir Beyle sidaasi u sheegay wakaalad wararka ee Reuters. Wsaiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonto isbadalada dhaqaale ee horseeday heshiiska deen cafinta Soomaaliya. Go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib kulan ay sarakiisha…

Continue Reading
NORWAY: Aabe soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo uu ku wada dhacay cudurka coronavirus oo digniin diray

NORWAY: Aabe soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo uu ku wada dhacay cudurka coronavirus oo digniin diray

Farxan Cali Xalane (35-jir) oo ah aabe soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway islamarkaana isaga iyo dhammaan qoyskiisa uu ku wada dhacay cudurka coronavirus ayaa digniin u diray umadda soomaaliyeed, gaar ahaan skuwa ku nool dalka Norway. Aabe Farxaan oo video uu soo dhigay bartiisa Facebook uga sheekeeyay qaabka uu ugu dhacay cudurkan iyo sida uu u saameeyay ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in cudurkani uu markiisa hore kasoo qaaday xuduudda dalka Sweden oo uu u aaday adeeg. Wixii maalintaasi adeegga ka dambeeyay ayuu sheegay in uu la xanuunsanaa cudurka coronavirus, isagoona qaadsiiyay dhamaan qoyskiisa oo ka kooban xaas iyo afar carruur ah oo kan ugu weyn uu 9 jir yahay, kan ugu yarna uu 3 jir yahay. Iminka oo ay ka wada caafimaadeen cudurkaasi ayuu Aabe Farxaan waxa uu uga digayaa umadda soomaaliyeed halista uu leeyahay cudurkaasi, isagoona usoo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin in…

Continue Reading
Maamulka gobolka Banaadir oo xayiraad kusoo rogay xeebta Liido iyo hoteellada ku yaalla

Maamulka gobolka Banaadir oo xayiraad kusoo rogay xeebta Liido iyo hoteellada ku yaalla

Xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay guddiga maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortagga Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalalka caalamka. Kulanka kadib maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in lagu dabaasho xeebta caanka ah ee Liido muddo laba todobaad ah, isla markaana la xirayo hoteellada iyo goobaha kale ee lagu caweeyo ee ku yaalla Liido. Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u akhrinayay go’aanada kasoo baxay shirka guddiga ayaa waxaa uu sheegay in la mamnuucay in xeebta Liido la tago 06:00 subaxnimo ilaa 10:00 habeenimo. Sidoo kale maamulka gobolka ayaa ku baaqay in la joojiyo shirarka la isugu yimaado iyo xafladaha aroosyada ah ee lagu qabto Muqdisho si looga hortego faafidda cudurka COVID-19. Maamulada Hoteellada, maqaayadaha iyo goobaha loo dalxiiska tago ayaa waxaa la faray in ay diyaariyaan agabyo nadaafadeed oo looga hortegi karo faafida cudurkaaasi oo Soomaaliya…

Continue Reading
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta ufariisatay xukunkii dacwad ciqaabeedka loo heystay eedeysanayaal loo heystay dembiyo kala duwan sida falal la xariira Al-shabaab, dilal loo geystay dad rayid ah iyo lunsasho hub dowladeed. Ugu horeyn waxa maxkamada furey guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle Abshir Maxamed Aadan.. Maxkamada  waxa soo xaadirey garsoorayaasha maxkamada eedeysanayaal ilaa 10 gaaraya iyo boqolaal dadweyne oo dhageysanayey dembiyada lagu soo eedeeyey eedeysanayaasha iyo go’aanka maxkamada ka qaadatay. Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ayaa edeyn u soo jeediyey 11 ruux oo 2 kamid ah ay dumaryihiin waxana maxkamada goob joog ka ahaa 10 ka mid ah halka 1 qofna uu baxsad yahay oo laamaha amniga ay baadi goobayaan. Waxa mid mid so’aalo maxkamada dhexdeeda loogu weydiyey eedeysanayaasha oo qaarna qirtay qaarna iska fogeeyey dambiga lagu soo eedeeyey. 8 ka mid ah eedeysanayaasha waxa lagu soo eedeeyey in ay lug kulahaayeen qarax…

Continue Reading
Ciyaartoyda kooxda Barcelona oo mushaarka laga jarayo boqolkiiba todobaatan

Ciyaartoyda kooxda Barcelona oo mushaarka laga jarayo boqolkiiba todobaatan

Kooxda kubadda cagta ee ka aas-aasan dalka Spain ee Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartooydeeda boqoliiba todobaatan (70%) mushaarka laga jari doono inta lagu gudo jiro marxaladda cudurka coronavirus oo sidoo kale saameeyay dhaqaalaha caalmka. Kabtanka kooxda Lionel Messi ayaa sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sidii ay u caawin lahaayeen kooxdooda. Waxaa go`aanka kooxdan Barcelona ka horreeyay mid ay maalmo ka hor qaateen ciyaartoda kooxda Juventus kuwaas oo muddo afar bilood ah mushaarkooda hakiyay. Dalka Spain ayaa u muuqda in uu saameynta ugu badan caalamka uu ku reebay cudurka coronavirus, waxaana uu ilaa iyo iminka uu ka dilay dad kor u dhaafaya 7,340. Kooxaha ka dhisan dalka Jarmalka ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa iyana qaatay go`aan mushaar jaris ah. The post Ciyaartoyda kooxda Barcelona oo mushaarka laga jarayo boqolkiiba todobaatan appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
“Please Come help us”: New York begs for medical workers

“Please Come help us”: New York begs for medical workers

New York’s governor urgently appealed for medical volunteers Monday amid a “staggering” number of coronavirus deaths, as he and health officials warned that the crisis unfolding in New York City is just a preview of what other U.S. communities could soon face. “Please come help us in New York now,” Gov. Andrew Cuomo said as the state’s death toll climbed by more than 250 people in a day to a total of over 1,200, most of them in the city. He said an additional 1 million health care workers are needed to tackle the crisis. “We’ve lost over 1,000 New Yorkers,” Cuomo said. “To me, we’re beyond staggering already. We’ve reached staggering.” Even before the governor’s appeal, close to 80,000 former nurses, doctors and other professionals were stepping up to volunteer, and a Navy hospital ship, also sent to the city after 9/11, had arrived with 1,000 beds to relieve…

Continue Reading
BOOSAASO: Jaad si qarsoodi ah loo soo geliyay magaalada oo ay boolisku fagaare ku gubeen

BOOSAASO: Jaad si qarsoodi ah loo soo geliyay magaalada oo ay boolisku fagaare ku gubeen

Taliska qeybta booliska Gobalka Bari ee maamulka Puntland oo kaashanaya saraakiisha ciidamada gobalka ayaa xalay meel fagaare ah ku gubay jaad si sharci daro ah loogu dhex iibinayay gudaha magaalada Boosaaso. Howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa lagu soo qabtey jaadkaas, xilli Puntland ay mamnuucdey in deegaannadeeda la keeno jaad, si looga hortago cudurka Coronavirus. Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed oo warbaahinta kula hadley goobta lagu gubey jaadka ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya amarkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni si shacabka Puntland ay uga ilaaliyaan cudurka Coronavirus ay qaadeen qorshayaal ka dhan ah jaadka la soo geliyey Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari. Taliyaha oo sii hadleyey ayaa digniin u direy dadka gudaha magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolka Bari sida qarsoodiga ah kusoo gelinaya jaadka, waxaana uu faray in ay u hoggaansamin amarka madaxda sare ee Puntland. The post BOOSAASO: Jaad si…

Continue Reading
SAWIRRO: Boolis hindi ah oo farriinta cudurka coronavirus dadku ka maqli waayeen oo fikrad cusub lasoo baxay

SAWIRRO: Boolis hindi ah oo farriinta cudurka coronavirus dadku ka maqli waayeen oo fikrad cusub lasoo baxay

Nin boolis ah oo ka howlgala magaalada Chennai ee dalkaasi Hindiya ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta kadib markii uu lasoo baxay fikir uu si sahlan dadka ugu gudbinayo farriinta dowladda ee ku aadan cudurka coronavirus. Booliskan oo lagu magacaabo Rajesh Babu ayaa markii hore dhib ku qabay sida uu sheegay in ay farriimihiisa cudurka ay dadku qaataan, balse markii uu lasoo baxay fikir ah in uu koofiyaddiisa ku naqshadeeyo muuqaalka cudurka coronavirus uu isbeddal dhanka wacyi-qaadashada uu ka dareemay dadka. Dowladda Hindiya ayaa xayiraad kusoo rogtay magaalooyinka qaar ee dalkaasi si ay uga hortagto cudurka coronavirus, waxaana dadka qaarkood ay jabinayaan xayiraadahaasi lagu faray in ay guryohooda ku sugnaadaan. Rajesh Babu oo ku sugan bar kontarool oo magaalada Chennai ku taal ayaa isagoo koofiyaddiisa cabsida leh xiray joojinaya gaadiidleyda, isagoona u sheegaya halista cudurka coronavirus leeyahay islamarkaana farana in ay naftooda iyo kuwa kaleba ka ilaaliyaan halistiisa oo ay guryohooda…

Continue Reading
Dowladda oo amartay in afar qof  laga sii daayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

Dowladda oo amartay in afar qof laga sii daayo xarunta karantiilka coronavirus ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ku talisay in la fasaxo afar qof oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay inuu ku dhacay coronavirus, kaddib markii ay wasaaradda Caafimaadku sheegtay in baaritaanno lagu sameeyay looga waayay cudurka. Qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliya looga helay Covid-19 ayaa lagu soo warramay inuu ka caafimaaday cudurka, sida ay muujiyeen natiijooyinka labo baaritaan oo lagu sameeyay, kuwaasoo ka dambeeyay baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay. Isaga iyo saddex qof oo kale ayaa la filayaa in la sii daayo, waxaana dhammaan magacyadooda lagu xusay warqad kasoo baxday xukuumadda Federaalka oo ku socotay maamulka xarunta karantiilka. “Kaddib markii la dhammeystiray habraaca baaritaanka Covid-19 ee lagu sameynayay dadkii looga shakiyay cudurka ee ku jiray xarunta karantiilka, loona maray qaabka ay ku talisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay natiijadu noqotay in laga waayay cudurka. Sidaas darteed mar haddii ay dhammeysteen waqtiga karantiilka, labo jeer oo la baarayna laga waayay…

Continue Reading
Dowladda oo amar ku bixisay in la xiro  goobaha lagu barto diinta muddo 2 isbuuc

Dowladda oo amar ku bixisay in la xiro goobaha lagu barto diinta muddo 2 isbuuc

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go’aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta, dugsiyada iyo Mowlacyada, islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintam Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in wixii berri ka bilowda si rasmi ah loo xirayo Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo xirayo goobaha barashada Diinta ay tahay ka hortegista faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka. “Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19, Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta…

Continue Reading
Houthis say Saudi-UAE coalition carried out air raids on Sanaa

Houthis say Saudi-UAE coalition carried out air raids on Sanaa

The Saudi-UAE coalition fighting Houthi rebels in Yemen has carried out several air attacks on the capital Sanaa, witnesses and Houthi-run Al Masirah TV said.  According to Al Masirah, the coalition launched 19 air raids on Monday. No mentions of casualties have been reported so far. The attacks on Sanaa, where bombings have been rare in recent months, came after Saudi Arabia intercepted two ballistic missiles the Houthis said they had launched on Saturday towards Riyadh and southern parts of the kingdom near the Yemeni border. The Houthi attack coincided with the fifth anniversary of Saudi Arabia’s intervention in Yemen’s civil war. On Sunday, UN Yemen Envoy Martin Griffiths reiterated a call for an immediate cessation of hostilities to build momentum for a nationwide ceasefire, especially in light of the current coronavirus pandemic. “Yemen needs its leaders to focus every minute of their time on averting and mitigating the potentially disastrous consequences of a…

Continue Reading
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay rag maanta lagu toogtay suuqa Bakaaraha

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay rag maanta lagu toogtay suuqa Bakaaraha

Israsaaseyn kooban oo maanta barqanimadii ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda iyo rag ku hubeysan bastoolado ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay israsaaseyntaasi, oo si gaar ah uga dhacay suuqa Khaliifa ee Bakaaraha. Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo tegay halka ay ka dhacday israsaaseynta ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka amniga ay toogteen laba ruux oo ku hubeysnaa bastoolado. Waxaa uu sheegay afhayeenka in ciidanka amniga ee ka howl-galayay Suuqa Bakaaraha ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan ragga la dilay, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen, markii dambena la toogtay. Sidoo kale waxaa uu Saalax Dheexe tilmaamay in ciidanka amniga uu dhaawac kasoo gaaray hal askari oo haatan la dabiibayo, sidoo kale  israsaaseynta uu ku dhintay qof shacab ah oo ka mid ahaa dadkii ganacsiga ku lahaa halka uu falka ka dhacay. Ugu…

Continue Reading
NORWAY: In ka badan 100 soomaali ah oo labo xaafadood dagan oo laga helay cudurka Coronavirus

NORWAY: In ka badan 100 soomaali ah oo labo xaafadood dagan oo laga helay cudurka Coronavirus

Sida ku cad warbixin caafimaad oo ku saabsan cudurka coronavirus oo ay soo saareen hay`adaha caafimaadka Norway ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 100 soomaali ah in uu ku dhacay cudurka faraha ba`an ku haya caalamka ee loo soo gaabiyay COVID19. Tiradan boqolka kor u dhaafeysa ee soomaalida ah islamarkaana laga helay cudurka coronavirus ayaa daggan labo xaafadood oo dhabarka isku haya, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana ay labadaasi xaafadood kala yihiin Grønland iyo Tøyen. 13 ka mid ah dadkan ayaa la sheegay in ay isbitaalka u jiifaan xanuunkan oo uu naqaska ku ceshoomay, balse warbixinta lahuma sheegin qof u dhintay wali. Guud ahaan dalka Norway tirada ilaa iyo iminka la diiwaangeliyay oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ah 4390 ruux, waxaana isbitaalka u jiifa 317 ruux halka tirada u dhimatay ay sii cago-cageyneyso 31 ruux. Dadka cudurkan ugu dhintay Norway ayaa waxaa ay i badanyihiin waayeelo, waxaana kan…

Continue Reading
SWEDEN: Cudurka Coronavirus oo faro-ba`an ku haya soomaalida iyo dhimashadooda oo aad u badan

SWEDEN: Cudurka Coronavirus oo faro-ba`an ku haya soomaalida iyo dhimashadooda oo aad u badan

Jihaan MaxamedWaxaa diiradda la saaray Soomaalida oo ay dadku u qaybsameen mid ku wiirsadey iyo mid ka walaacey, ka dib markii ay saxaafadda Sweden faafiyeen warar sheegaya inay Soomaalidu u badan tahay dhimashada fayraska corona. ”Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo fayraska corona ugu dhimatay magaalada Stockholm ayaa Soomaali ah,” sida ay sheegtay Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden. “Markii uu cudurkani Sweden soo gaarey, ma jirin xog ku filan oo ay Soomaalidu hayeen, qaar badanna sidoodii ayay nolosha u wateen,” ayay tiri Jihaan Maxamed, oo jamciyadda xubin ka ah oo u warrantay barnaamijka Agenda ee SVT. Sida ay sheegtay Jihaan Maxamed, 5 ka mid ah 6-da qof ee Soomaalida dhimatay waxay ku nool yihiin agagaarka Järva ee Stockholm, qofka 6-aad wuxuu ku noolaa degmada Järfälla ee isla caasimadda. Jihaan oo la weydiiyay in ay saba jiri karto waxay tiri: “Ma ogi sababta ay agagaarka Järva ugu badan…

Continue Reading
As Iran coronavirus deaths rise, Rouhani hits back at criticism

As Iran coronavirus deaths rise, Rouhani hits back at criticism

Iranian President Hassan Rouhani has hit back at criticism over the country’s response to the coronavirus pandemic, saying he had to weigh protecting the country’s sanctions-hit economy while tackling the worst outbreak in the region. Iran, one of the world’s hardest-hit countries from the virus, reported 123 more deaths on Sunday in the past 24 hours, pushing its overall toll to 2,640 amid 38,309 confirmed cases. The president reacted on Sunday at criticism of its lagging response to the worst coronavirus outbreak in the region, which has so far infected 38,309 people in the Islamic Republic, and killed more than 2,600 others – according to data collected by Johns Hopkins University in the United States.  Rouhani described international outcry at the government’s handling of the COVID-19 outbreak in Iran as a “political war”, saying he had to weigh protecting the economy while tackling the virus, labelled a pandemic by the World Health Organization…

Continue Reading
Amiir Harry iyo marwadiisa oo Mareykanka kala kulmay wixii ay kaga soo carareen Canada

Amiir Harry iyo marwadiisa oo Mareykanka kala kulmay wixii ay kaga soo carareen Canada

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in aysan bixin doonin dhaqaalaha ku baxaya amniga amiir Harry iyo qoyskiisa kuwaas oo dhawaan usoo guuray dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Washington. Donadl Trump ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in uusan isaga jeebkiisa ka bixin doon ama dowladda Mareykanka lagu dallici doonin kharashka amni ee qoyska amiir Harry oo ka tirsan reer boqorka Ingriiska. I am a great friend and admirer of the Queen & the United Kingdom. It was reported that Harry and Meghan, who left the Kingdom, would reside permanently in Canada. Now they have left Canada for the U.S. however, the U.S. will not pay for their security protection. They must pay!— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) March 29, 2020 Qoyskan reer boqor ayaa kasoo guuray dalka Canada oo ay daganaayeen tan iyo dhammaadkii sano hore, xilligaas oo ay kasoo caroodeen dalkooda Britain arrimo qoyska reer boqor dhexdooda…

Continue Reading
Madaxweynaha dalka Brasil oo uga hanjabay wasiirkiisa caafimaadka in uu shaqada ka eryayo

Madaxweynaha dalka Brasil oo uga hanjabay wasiirkiisa caafimaadka in uu shaqada ka eryayo

Madaxweynaha dalka Brasil  Jair Bolsonaro ayaa ugu hanjabay wasiirkiisa caafimaadka Luiz Henrique Mandetta in uu shaqada ka eryayo haddii uu markale usoo jeediyo madaxweynaha dhaleeceyn la xiriirta qaabka uu u maareeyo cudurka coronavirus. Hanjabaaddan ayay madaxweynuhu kasoo yeertay xilli uu shalay ka qeyb-galay shirweyne. 23 ka mid ah shaqaalaha ku dhow-dhow madaxweynaha ayaa waxaa laga helay cudurka Coronavirus kadib booqasho ay ku tageen dalka Mareykanka xilli uu madaweynuhu la socday, balse madaxweyneha qudhiisa ayaanan laga helin cudurkaasi. Dhaleeceynta wasiirka ayaa timid kadib markii uu madaxweynaha soo dhexgalay dhowr jeer bulshada xilli looga shakisnaa in uu qabo cudurka coronavirus, arrintaas oo uu dhibsaday madaxweynaha. Waxaa sidoo kale wasiirku ku dhaleeceeyay madaxweynaha baaqiisa ah in ay bulshada dib ugu laabtaan goobaha waxbarashada iyo shaqooyinka. Madaxweynaha oo ku adkeysanayay baaqyadiisa ayaa yiri ” – Brasil ma istaagi karto, haddii kale waxaan noqoneynaa sida dalka Venezuela”. Si kastaba hanjabaadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay…

Continue Reading
GAROOWE: Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta

GAROOWE: Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta

Waxaa goor dhaweyd magaalada Garowe ku geeriyooday gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), kadib dhaawac xooggan oo ka soo gaaray qarax sida la sheegay uu fuliyay qof ismiidaamiyay oo caawa fiidkii ka dhaca magaalada Garowe. Geerida marxuumka ayaa waxaa BBC-da u xaqiijiyay duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed-Bare). Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu kamid yahay taliyihii hore ee booliska qeybta gobolka Nugaal, Faarax Gallangooli, kuwaas oo ay dhaawacyadoodu sahlan yihiin, sida uu sheegay weriye Axmed Cawil oo ku booqday isbitaalka. Qaraxa ayaa waxaa sheegtay xarakada Al-Shabab sida ay tebiyeen warbaahinta taabacsan ururkaasi. Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uusan wax ilaalo ah ku dhex wadan jirin magaalada Garowe. Qaraxa ayaa lagula beegsaday meel u dhaw taliska booliska Puntland, gaar ahaan agga loo yaqaan barxadda. The post GAROOWE: Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Somalia sending 20 doctors to help Italy fight virus

Somalia sending 20 doctors to help Italy fight virus

Somalia is sending over 20 doctors to help fight coronavirus in Italy, the country where the virus has claimed the most lives. Ismail Mukhtar Orongo, a Somali government spokesman, told Anadolu Agency over the phone on Friday that the doctors are volunteers from Somali National University in the capital Mogadishu. “Twenty volunteer doctors from National University in Mogadishu are registered at Italy’s Embassy and will go to Italy to help the country’s fight against coronavirus,” he said. They are being sent in response to a call by Italy’s government for help, and they are now ready and waiting for their charter flight to Italy, he added. On Thursday, Italy’s Civil Protection reported 712 new deaths, bringing the country’s death toll from the virus to date to 8,215. Meanwhile, Somalia on Friday confirmed the third case of coronavirus in the Horn of Africa nation. According to the UN assistance mission in…

Continue Reading
SAWIRRO: Daad qaaday garoonkii diyaaradaha malaayiinta dollar lagu dhisay ee magaalada Baraawe

SAWIRRO: Daad qaaday garoonkii diyaaradaha malaayiinta dollar lagu dhisay ee magaalada Baraawe

Sawirro laga soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe oo uu dhawaan xarigga ka jaray ra`iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa muujinaya daad ama roob gebi ahaan maasheeyay islamarkaana jeex-jeexay dhabihii ay diyaaradaha cago-dhigan lahaayeen. Iyadoo ay horayba u taagneyd dood dhanka baraha bulshada ku faaftay tan iyo markii garoonkaasi xarigga laga jaray oo la xiriirta muuqaalka garoonka iyo lacagta la sheegay in ay ku baxday oo kor u dhaafeysa 4 milyan oo dollar ayaa waxaa hadana ceebtaasi bansiin kusii shubay roob dhawaan magaalada Baraawe ka da`ay oo garoonkaasi dar-daray. Dhabbaha diyaaradaha cago-dhigtaan oo bacaad la simay uun ahaa ayaa waxaa uu daadku ka jeex-jeexday boholo, iyadoona qeybo kale oo garoonka ah ay biyo fariisteen. Lacagta lagu dhisay garoonkan ayaa la sheegay in ay bixisay Midowga Yurub, waxaana ay dhismihiisa kala kaashatay dowladda, walow gadaal markii ay fadeexadu soo ifbaxday iska fogeysay dowladdu. Si kastaba, waxa ka muuqda garoonkan…

Continue Reading
Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Axad ah xariga ka jaray xarunta Degmada Shibis oo dib udhis casri ah lagu sameeyay. Munaasabadda xarig jarka ee Xarunta Degmada Shibis ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka degmadaas iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana Xarigjar kadib uu Cumar Finish kormeeray qeybaha kala duwan ee Xarunta. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhaqaala-hooda ku bixiyaan horumarinta caasimadda. The post Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Axad ah xariga ka jaray xarunta Degmada Shibis oo dib udhis casri ah lagu sameeyay. Munaasabadda xarig jarka ee Xarunta Degmada Shibis ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulka degmadaas iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana Xarigjar kadib uu Cumar Finish kormeeray qeybaha kala duwan ee Xarunta. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhaqaala-hooda ku bixiyaan horumarinta caasimadda. The post Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta degmada Shibis appeared first on Calanka.com.

Continue Reading
MUQDISHO: Xarunta dhexe ee AMISOM ee Xalane oo loo xiray cudurka coronavirus dartiis

MUQDISHO: Xarunta dhexe ee AMISOM ee Xalane oo loo xiray cudurka coronavirus dartiis

AMISOM ayaa ku dhawaaqday in la xiray Xaruntoodii ugu weeyneyd ee Xalane ee ku dhex-taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira faafida Cudurka halista ee Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in wixii Maanta ka bilowda la xiray Xarunta Xalane ee AMISOM la xiray, isla markaana ay xirnaan dooto muddo 30-maalmood ah. Sidoo kale qoraalka ay soo saartay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan la joojiyay dhaq-dhaqaaqyadii Xarunta Xalene oo ay ku dhex yaallaan Safaaraddo badan, Xarumo diblomaasiyiin iyo Xafiisyada UN-ka. Waxaa kaloo la hakiyay dhamaan ganacsiyada iyo dhismayaashii ka socday Xarunta ugu weeyn AMISOM ee Xalane, waxaana Amarka lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqyada ka jiray halkaas lagu wargeliyay Shaqaalaha ka howlgala Xarunta. Si kastaba Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la shaaciyay in qandaraasle u shaqeeya UN-ka, kuna sugan Xarunta Xalene ee Muqdisho laga helay Cudurka halista ee Coronavirus oo…

Continue Reading
MUQDISHO: Xarunta dhexe ee AMISOM ee Xalane oo loo xiray cudurka coronavirus dartiis

MUQDISHO: Xarunta dhexe ee AMISOM ee Xalane oo loo xiray cudurka coronavirus dartiis

AMISOM ayaa ku dhawaaqday in la xiray Xaruntoodii ugu weeyneyd ee Xalane ee ku dhex-taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira faafida Cudurka halista ee Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in wixii Maanta ka bilowda la xiray Xarunta Xalane ee AMISOM la xiray, isla markaana ay xirnaan dooto muddo 30-maalmood ah. Sidoo kale qoraalka ay soo saartay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan la joojiyay dhaq-dhaqaaqyadii Xarunta Xalene oo ay ku dhex yaallaan Safaaraddo badan, Xarumo diblomaasiyiin iyo Xafiisyada UN-ka. Waxaa kaloo la hakiyay dhamaan ganacsiyada iyo dhismayaashii ka socday Xarunta ugu weeyn AMISOM ee Xalane, waxaana Amarka lagu joojiyay dhaq-dhaqaaqyada ka jiray halkaas lagu wargeliyay Shaqaalaha ka howlgala Xarunta. Si kastaba Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la shaaciyay in qandaraasle u shaqeeya UN-ka, kuna sugan Xarunta Xalene ee Muqdisho laga helay Cudurka halista ee Coronavirus oo…

Continue Reading
More Posts