Cadceed News

Madaxwayne Sheekh Shariif iyo sheekadii Madaxtooyada Muqdisho !! W/Q:KhadarIbrahim Aar

Madaxwayne Sheekh Shariif iyo sheekadii Madaxtooyada Muqdisho !! W/Q:KhadarIbrahim Aar

Dunida waxaa jira wax loo yaqaano “”Dawlad awood xadidan “” taas waxaa looga jeedaa waa Dawlad dhinaca sharciga iyo awooda dawladeed midna aan lahayn,hadana iyada oo sidaasa qaabdhismeedka iyo habka magac uyaalka Dawladeed ee ay u shaqaysaa waxa uu yahay in la helo kooxo dan laga fushado loona fuliyo. Waa maxay Dawlad Xaddidan? Dowlad xadidan waxaa loola jeedaa ,waa Dawlad dhinaca  awooddeeda  sharci la xadiday ujeedo laga leeyahayba , loona yeelay xayndaab aanay dhaafi Karin , iyada oo loo marayo nidaam sharci,waayo waxaa dhici kara in uu jiro sabab loo xadiday. Wax dhib ah malaha in Dawladaasi ay yeelato qaab nidameed doorasho oo suureeya kii Dawaladaha dhanka sharciga dhamayska tirnaa, balse dhibtu waxa ay ka taagan tahay dhinaca awooda sharciga ,dawladina hadii aanay lahayn awood ay ku shaqayso meelna gaadhi mayso,waxaana xaq u yeelanaaya markasta in Dawlado kale ay soo faragaliyaan. Marka aad maqasho magac u yaalka halku-dhigiisu yahay “Dawladda…

Continue Reading
Xoggo Dheeraada Oo Laga Helay Socdaalkii Wasiirka Maaliyda Itoobiya Ku Yimi Hargeysa

Xoggo Dheeraada Oo Laga Helay Socdaalkii Wasiirka Maaliyda Itoobiya Ku Yimi Hargeysa

Feb 22, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Weftigii uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, ee socdaalka ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa dib ugu laabtay dalkooda, khamiistii, ka dib markii ay habeen u hoyden magaalada Hargeysa. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan oo Madaxweyne Biixi la yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin iyo mid ay goob-joog ahaayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiiradu. Laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada ugu weyn ee socdaalka Wasiirka maaliyadda Itoobiya salka ku hayay dardargelinta heshiiskii dekedda Berbera ee ay Itoobiya ku lahayd saami ah 19% oo tan iyo markii uu Raysalwasaare Abiye talada qabtay u muuqday mid hoos loo dhigay oo dhaqdhaqaaqiisii yaraaday. Waxa kale oo uu u socday is waafajinta cashuuraha ganacsiga iyo jidka Berbera Corridor. Warku wuxuu sheegay in Raysalwasaare Abiye oo toddobaadkii hore socdaal ku tagay dalka UAE ay…

Continue Reading
Wadan African Ah Oo Yeeshay Afar Madaxweyne Ku Xigeen

Wadan African Ah Oo Yeeshay Afar Madaxweyne Ku Xigeen

Feb 22, 2020 Hargeysa (Cadceed) –Madaxweynaha dalka Koofurta Sudaan Salva kir ayaa ku dhawaaqay qeybta kowaad ee xukuumadda awood qeybsiga ku dhisan ee dalkaas. Magacaabista uu maanta oo sabti ah sameeyay waxaa uu madaxweyne ku xigeenka kowaad ugu magacaabay Ninka ay isku hayeen siyaasadda ee Riek Machar, waxaana uu sidoo kale sameeyay saddex ku xigeen kale oo ay midi Haweeney tahay. 1.Dr. Riek Machar Teny, madaxweyne Ku xigeen ka 1aad. 2.Dr. James Wani Igga, madaxweyne Ku xigeenka 2aad. 3.Gen. Taban Deng Gai, madaxweyne Ku xigeenka 3aad 4.H.E Rebecca Nyandeng Garang, madaxweyne Ku xigeenka 4 aad. Hon. Tut-Kew Gatluak Manibe, lataliyaha amniga ee Madaxweynaha. Hon. Mayiik Ayii Deng, wasiiru dowlaha madaxtooyada. Ma

Continue Reading
SIYAASADAHII GABOOBAY EE GEESKA AFRICA HORE LOO SOO ARKAY NATIIJADOODA QARNIGII TAGEY AYEY AHAAYEEN COLAADAHA , CADAAWADAHA IYO DAGAALADU , MANA AHA MAANTA IN DIB LOO HURIYO !

SIYAASADAHII GABOOBAY EE GEESKA AFRICA HORE LOO SOO ARKAY NATIIJADOODA QARNIGII TAGEY AYEY AHAAYEEN COLAADAHA , CADAAWADAHA IYO DAGAALADU , MANA AHA MAANTA IN DIB LOO HURIYO !

Hadii soomaalidu u aragto in dano qoomiyadeed bilaabmeen waxa iman doonta in somalida Bariga Africa oo dhami midowdo oo ay noqdaan dawlad xoog badan oo khariidad kale sameysanto ) Marka sida wanaagsan loo fikirayo aragti ahaan waxa aan aaminsanahay Ethiopia oo horumarta , iyo Djibouti oo horumarta iyo Somalia oo nabad noqotaa intuba waa danta Somaliland midna Somaliland waxba kaga xumaan mayaan waxa ugu hagaaga mooyaane , iyada oo ay jiraan tartanadu hadana horumarkeenu wuu isku xidhan yahay , hoos u dhaceenuna wuu isku xidhan yahay , iyaguna sidaasi oo kale Somaliland oo aqoonsi hesha oo horumartaa waa wanaagooda iyo ka gobolka guud ahaan. Shacabka ku nool dalalka  Ethiopia , Somaliland,  Somalia iyo Djibouti waxa ay wadaagaan dano badan oo ka dhexeeya , mana aha umad kala maarmaysa dhinaca iskaashiyada nolosha sababta oo ah Alle ayaa meel ku wada abuuray oo umaduhu way isku wada baahan yihiin. Marka ay timaado…

Continue Reading
Maantana Xisbiyaan Furayaa waa UDUB haysii Fadhido Baarlamaanka!.

Maantana Xisbiyaan Furayaa waa UDUB haysii Fadhido Baarlamaanka!.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi siddii uu ugasoo laabtay Dalka dariska ee itoobiya, dusidii uu hoosahaanta ugu dusay Farmaajo waakii Afka xidhay ee diiday inuu uga warbixiyo shacabkiisa wuxuu daarnaa socdaalkiisii kadafkadafta iyo kadiska ahaa iyo cidduu la kulmay cidda ay ahayd, dhanka kale waatii fiila Soomaaliya Afka furatay soona bandhigtay sawiro uu Farmaajo dhabarka kasii taabanaayo Madaxweyne Muuse, Sikastaba ha ahaatee Mudane Muuse isagoo aan shacabka weli wax war ah siin, waakii tegay Golaha baarlamaanka Somaliland intuu kaxaystay haween durbaano u tuma oo u mashxarada oo goobtii baarlamaanka ka dhigay meel xaflad aroos ka dhacayso oo kale, dadba yaabye, se waxa yaab noqotay khudbadii uu Madasha ka jeediyey Mudane Muuse oo ahayd khudbad maqaamkeedu hooseeyo oo aan kafiirsasho, baaraandeg iyo meel u day lahayn, araarta uu ku tiraabaayey qaarkood meel ku dhacbay ku ahayd milgaha maamuus ee magaca uu qaranka u huwan yahay, isaga oo u hadlay…

Continue Reading
Xukuumada Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Ujeedada Waftigii Wasiirka Maaliyada Ee Itoobiya

Xukuumada Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Ujeedada Waftigii Wasiirka Maaliyada Ee Itoobiya

Feb 21, 2020 Hargeysa (Cadceed) – Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay weftiga ka socday dawladda Itoobiya ee uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda Mudane Axmed Shide, waxayna sheegtay in aanay wax culays ah ku saarayn sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa. Wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa BBC-da u sheegay in weftigu u socday arrimo ku saabsan dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor, islamarkaana aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka. Wasiirka oo la waydiiyay in weftiga Itoobiya culays ku saarayay sidii Farmaajo u iman lahaa Hargeysa ayaa yidhi “Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Coridor waxaana…

Continue Reading
DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Si Rasmi Ah U Saxeexay Sharciga Doorashooyinka Qaranka +  ( SAWIRRO )

DAAWO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Si Rasmi Ah U Saxeexay Sharciga Doorashooyinka Qaranka + ( SAWIRRO )

Feb 21, 2020 Muqdisho  (Cadceed) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee so diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed. “Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah…

Continue Reading
TACSI Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Aabo Dr.C/raxman Jamac Hadi & Hooyo Fosiya Miicad Alaale Oo Wiilkoodu Ku Geeriyooday Boorama

TACSI Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Aabo Dr.C/raxman Jamac Hadi & Hooyo Fosiya Miicad Alaale Oo Wiilkoodu Ku Geeriyooday Boorama

inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Geeridu waa xaq balse way kala xanuun badan tahay. Anigoo ah Mustafe Cabdi Xaaji kuna hadlaya magaca Dhamaan ilma Cabdi Xaaji Meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxaanu tacsi tiiraanyo leh halkan uga diraynaa Dr.Amin Dr.C/raxman Jamac Hadi oo maalintii shalay lagu aasay magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal. Waxaan Eebe Uga Baryaynaa inuu marxuumka naxriistiisa jano ka waraabiyo, waalidkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna gaar ahan labada waalid ee Aabo Dr. C/raxman Jaamac Hadi iyo Hooyo Fosiya Miicaad Alaale inuu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo, qalbigana u qaboojiyo,Wax ay ku iloobaana rabbi ugu bedelo Aamiin Yaa Rabbi.   Kullu Nafsin Zaikatul Maut   Cadceednews Desk

Continue Reading
Mid Kamida Ragii Dilay Caa’isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay ( SAWIRRO )

Mid Kamida Ragii Dilay Caa’isha Ilyas Oo Xabsiga Laga Sii Daayay + Sababta Keentay ( SAWIRRO )

Feb 20, 2020  Boosaaso (Cadceed) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in la siidaayey Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukumay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo laba kamid ahaa la toogtay, kadib markii sida la sheegay uu Ilyaas Aadan oo ah aabbaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu cafiyay xukumanahaan kuna bedeshay Mag. Qoysaska labada dhinac ayaa waxaa ay ku heshiiyaan in mag ama Diyo la siiyo Qoyska Caaisho Ilyaas, sidaasina lagu siidaayey Cabdisalaan C/raxmaan Warsame, waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu heshiiyey. In la siiyo Aabe Ilyaas Aadan 75 neef oo geela oo Hashiiba lagu qiimeeyay lacag dhan $500 oo Dollar, waxaana isla goobta lagu bixiyay lacag dhan $25, 000 oo Dollar, taasi oo u dhiganta 50 Halaad,sida ay sheegeen dad ka qeyb galay heshiiskaas. Sidoo kale waxaa la isku afgartay in muddo Saddex Bilood gudahood ah in qoyska…

Continue Reading
More Posts